Dowlada Eritrea oo dhaliil u jeedisay wadamjada la jaarka ah Dalka Soomaaliya.
Bartamaha(Asmara):-Madaxweynaha Dowlada Eritrea oo la hadlayay wakaalada Wararka Rauters ayaa waxa uu sheegay in dagaalada Soomaaliya ay ka danbeeyaa saddexda dale e xadka la wadaaga Soomaaliya.
Madaxweyne Isaias Afewerki ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay ka warqabto in dhibaatada Soomnaaliya ay ka danbeeyaan dalalka Ethiopia ,Jabuuti iyo Kenya kuwaasi oo bansiin ku shubaya dagaalada.
Madaxweynaha Dowlada Eritrea ayaa muujiyay qatarta ka jirta Soomaaliya balse waxa uu sheegay in Dowladaha soomaaliya xad wadaaga la ah ay dagaaladaasi sii hurinayaan.
Afewerki ayaa ku dhaliilay Dowladahaasi in ay Ciidamo geeyaan Soomaaliya kuwa kalana ay u tababaraan taasina ay muujinayso in ay sii hurinayaan dagaalada ka dhacaya Magaalooyinka Soomaaliya.
Hadalka Eritrea ka soo baxay ayaa imaanaya xilli Wadamo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ay qorsheynayaan in cunaqabatayn la saaro Dowlada Eritrea si ay u joojiso faragalinta Dalka Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments