Calendar

Dowlada Canada oo Alshabaab ku dartay Liiska Argagixisada Caalamiga ah

ToewsBartamaha(Ottowa):-Dowlada Canada ayaa Alshabaab u aqoonsatay urur ka mid ag Kooxda loo yaqaano Argagixsada Caalamiga ah.

Sida uu shaaciyay Wasiirka Amniga Qaranka Dalka Canada waxaa Alshabaab  loo aqoonsaday argagixiso Caalami ah iyadoo laga mamnuucay Canada dadka loga shakisanyahay in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Amniga Qaranka Canada Mr.Vic Toews oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Alshabaab ay yihiin koox argagixsa ah Dalka Cnadana laga mamnucay dhammaan dadka xiriirka la leh.

Wasiirka ayaa xusay in ay ogaadeen qorshayaal dhaqaale loogu aruurinayo ururkaasi taasi oo uu ku tilmaamay mid sharci dara ah oo ciddi lagu qabtaa ay mudasn doonto ciqaab adag.

Wasiirka Amniga Canada Mr.Toews ayaa sheegay in la helayo macluumaad muujinaya in Alshabaab ay tababaro ka wadaan gudaha dalkaasi Canada si ay caruurta ama dhalinyada soomaalida ay dagaal u geeyaan soomaaliya.

Horay ayaa waxaa go’aanka Alshabaab laga gaaray u soo rogay Dowlada Maraykanka iyo Britain oo kooxdaasi u aqoonsatay in ay yihiin argagixso Caalami ah oo dhibaata ka samaynaysa soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: