Dowlada Burundi oo shaaca ka qaaday in aanay Soomaaliya kala baxayn Ciidamadeeda.
Bartamaha(Bujanbura):-Dowlada Burundi ayaa sheegtay in ay Dalka SOomaaliya Ciidamadeeda Kala baxayso marka ay Midowga Afrika ku dhawaaqaan.
Sida uu sheegay Taliyaha ciidamada difaaca dalka Burundi waxaa la diyaariyay Ciidamada Burundi iyadoo la faray in ay shaqadooda wataan tan iyo marka ay Midowga Afrika dalbadaan in soomaaliya laga soo saaro.
Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Burundi Colonel Gaspard Baratutuza ayaa sheegay in Ciidanka Burundi ay wadanayaan howsha dhanka ammaanka ah oo ay soomalaiya u tageen.
Colonel Baratutuza waxaa uu cadeeyay in ciidamada dawlada Burundi ee ka jooga Soomaaliya ay xilli waliba la kulmaan weeraro kaga imaanaya Kooxop nabada soomaaliya diidan balse ay ugu dulqaadanayaan sidii nabad loo heli lahaa.
Afhayeenka ayaa sii raaciyay hadalkiisa in dhibaata waliba oo soo gaarta Ciidamadooda ay ugu sabrayaan sidii ay garab u siin lahaayeen ammaanka soomaaliya oo Dowlada Shariif ay masuul ka tahay.
Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan ayaa waxa ay inta badan la kulmaan dilal iyo dagaalo lagu soo qaado oo uga imaanaya Kooxaha Islaamiyiinta ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments