Calendar

Dowlada Britain oo beesha ka dalbatay cuna qabatayn lagu soo rogo Dowlada Eritrea.

britain_flagBartamaha(London):-Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in Eritrea maara looga waayay joojinta fara galinta qaawan oo ay ku hayso dalka Soomaaliya iyadoo dusha uga tuurtay dagaalada ka socda dalkaasi.

Ambasado John Sawers oo Golaha Ammaanka la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay dhibaato ka taagantahay taasina ay gacan weyn ku leedahay Dowlada Eritrea.

John Sawers ayaa sheegay in loo baahanyahay Cunaqabatyn buuxda oo la saaro Eritrea si ay u joojiso fara galinta Dalka Soomaaliya oo uu sheegay in dagaalo ay ka hurisay dowladaasi.

Wakiilka Dowlada Britain Ee Golaha Ammaanka yaa waxa uu intaasi ku daray in dowladiisa ay gaabinayso xiriir wanaaga dowladaasi kala dhexeeyay maadama ay tahay mid qas iyo qalaanqal ka wada geeska Afrika .

Dowlada Britain hadalka ka soo yeeray ayaa waxa uu noqonayaa mid taageera u noqonaya codsi Maraykanka uu jeediyay kaasi oo ku aadanaa in cuna qabatayn la saaro Dowlada Eritrea.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: