Calendar

Dowlada Australia oo bilowday in ay Maxkamad soo taagto wiil dhalinyaro Soomaali ah oo dhawaan Xabsiga la dhigay.

yacqubBartamaha (Sydney) Maxkamad ku taala Dalka Australia ayaa bilowday in ay maxkamadeyso wiil dhalinyaro soomaali ah kaasi oo dhawaan lagu xeray dalkaasi.

Yacquub Kherye Cali waa wiil 22-jir Soomaali ah kaasi oo dhawaan Ciidamada Nabad sugida dalkaasi ay xabsiga u taxabeen isaga iyo 4-nin oo ajaanib ah kuwaasi oo lagu tuhmay howlo argagaxiso.

Wiilka soomaaliga ah Ee lagu magacaabo Yacquub Kheyre ayaa shalay la weydiiyay su’aalo dhowr ah iyadoo qareenkii u doodayayna uu dalbaday in maxkamada la xero islamarkaana uu racfaan codsaday.

Maxkamada ayaa shalay la sheegay in la soo taagay afar nin uu Yacquub uu ku jiray kuwaasi oo durbadiiba dalbaday in Racfaan ay maxkamadu siisay iyagoo ka wada gabsaday su’aalihii la weydiiyay.

C/raxmaan Cali oo ah qareenka u doodayay Yacquub Khere ayaa sheegay in ay shakki xoogan muujinayso maadaama ragga kale ay durbadiiba qaateen racfaan isagoo maxkamada ka dalbaday in racfaan la siiyo.

Illaa haatan kiiska dacwadda ah ee wiilka soomaaliga ah laga geeyay ayaa waxa ay tahay mid weli taagan iyadoo aanay jirin wax si rasmi ah loogu cadeyn karo wiilka soomaaliga ah oo da’ahaan aad uga yar ragga lala xeray.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: