Calendar

Dooni Tahriibayaal waday oo ku dagtay Xeebaha Gobolka Sanaag iyo qasaara ka dhalatay doonta.

tahriibBartamaha(Sanaag):-Xeebaha Gobolka Sanaag ayaa laga helay Dooni waday dad tahriibayaal ah oo nolosha ay ciriir ku jirtay taasi oo ay badbaadiyeen Kooxo kaluumaysata ah.

Sida la xaqiijiyay waxaa dhimatay 10-qof waxaana illaa xiligan la la’yahay in ka badan 30-qof  kuwaasi oo doonayay in ay tahriib ahaan ku tagaan Xeebaha Wadanka Yaman oo ay ku dhinteen Xeebahaasi.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in la bad baadiyay qaar ka mid ah rakaabkii doontaasi saarnaa oo sheegay in doonta ka soo raaceen xeebaha magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka goboleedka Puntland.

Doonta qalibantay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 100-qof kuwaasi oo u badan Ethiopian wallow dad soomaali ah oo aad u badan ay ku jireen balse dhimnashada la sheegay in Ethioianka ay u badanyihiin.

Tahriibayaasha ayaa waxa ay ka badbaadeen dhimashada maadaama ay la kulmeen raashin la’aan iyo rafaad dhanka badda ay kala kulmeen markii biya bartankooda lagu daadiyay.

Marka loo eego war ay dhawan soo saartay laanta Q,M u qaabilsan dhina daryeelka qaxootiga ee UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkii tagay ay aad u kordheen dadka qaxootiga Africanka ah ee Somalidu ku jirto ee dalka Yemen gaaraya kuwaasoo gaaray 74,000 oo ruux oo u dhiganta 50% .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: