Calendar

Dooni ganacsi oo ku gubatay Dakada Magaalada Kismaayo.

doonBartamaha(Kismaayo):-Dooni nuuca ganacsiga ah ayaa gabi ahaan gubatay markii uu dab ku qabsaday Xeebta Magaalada Kismaayo.

Doonta oo u rarnayd ganmacsato Soomaaliyeed ayaa dabka uu qabsaday markii ay heli weysay gurmad deg deg ah xaalad Qatar ah oo soo wajahday ka dib iyadoo la sheegay in dabka uu qeybta danbe uu ka haleelay.

Dakada Kismaayo ayaa la sheegay in loo diiday in ay soo gaartodoonta oo qeyb ka mida ka ololeysay iyadoo ka dib ay ku basbeeshay Jasiirad yar oo Kismaayo u muuqata.

Doonta ayaa waday badeecad ay ka soo qaaday Dakada  Magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyadoo aan xiligaasi wax cilad ah lagu ogayn.

Doonta ayaa guud ahaan gubatay iyadoo Ciidamada Islaamiyiinta Alshabaab ay qabteen shaqaalahii ka badbaaday doontaasi oo haatan xabsi la galiyay.

Lama oga ujeedada ka danbaysa gubashada Doonta iyo Xariga shaqaalaha oo loo malaynayo in uu la xiriiro sababta ay Dakada ula soo aadeen Doon uu dab ka baxayay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: