Calendar

Dooni waday Tahriibayaal oo laga helay Xeebaha Yemen.

tahriibBartamaha(Cadan):-Dooni ay la socdeen dad Tahriibayaal ah ayaa laga helay Xeebaha Dalkaasi Yaman iyado gurmad iyo B aaritaan xoogan uu ku socanayo dadkaasi.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Yaman ayaa qabtay Dooni ay la socdeen dad Tahriibayaal ah Xeebaha Dalka Yaman ka dib markii dadkaasi laga shakiyaywallow Gurmad ay heleen.

Ciidamada Yaman ayaa waxa ay shakki ka qaadeen Doonta oo in mudda ah dul sabaynaysay Biyaha Yaman iyagfoo gaaray goobta ay ku sugnaayeen Tahriibiyaasha  ka dibna ay halkaasi ka soo dhaqaajiyeen iyagoo Xeebta u soo dhaweeyay.

Dadka Doonta la socday oo noloshooda ay liidatay ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay Cidamada iyagoo u gudbiyay Hay’ada UNHCR si ay u daryeesho Xaaladooda Caafimaad.

Dadka doonta la socday ayaa waxa ay haayeen 10-qof oo noloshooda aad u liidatay iyagoo Ciidanka uga shakiyay in ay yihiin Burcad Badeeda ama Koox doonaysa ammaan daro ay dalka Yaman ka sameeyaan.

Tahriibayaasha ayaa waxa ay dhawaanahan ku yaraadeen Biyaha Dalka Yaman ka dib markii Kooxda Alshabaab Soomaaliya ay hanjabaad toos ah u jeediyeen Dowlada Yaman.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: