Calendar

Doon xoolo saarnaayeen oo ka baxday dekadda Berbera oo ku dagtay badda u dhexaysa Somaliya iyo Yemen

ODoon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ka tagtay dekedda Berbera ayaa ku dagtay badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Yemen.

Waxaana doonidan ay wadday xoolo loo iib gaynayay wadamada carbeed.

Wararka ayaa sheegaya in doontan ay kusii jeedday xeebaha dalka Yemen ay wadday xoolo isugu jira Lo’ iyo ari kuwaasoo tiradooda lagu sheegay inay gaarayeen 2754 neef.  Xoolahan ayaa waxay doonidan ka qaaday dekedda Berbera iyadoo badda lagu la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, balse doomo badda cas soo maray ayaa sheegay inay arkeen burburka doonidaas.

Sidoo kale, doonida waxaa la socday 12 qof oo isugu jiray naaquudayaal iyo rakaab ka raacay Barbara, waxaana lagu la’yahay badda doonidii iyo xoolihii noolaa ee ay wadday iyo weliba dadkii la socday oo ay loo malaynayo inay geerriyoodeen.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: