Calendar

Doomaha ka shaqa bilaabay Baladweyne oo loo diiday in ay isla qaadaan Haweenka iyo Ragga .

balad-weyne2Bartamaha(B/Weyne):-Doomaha yaryar ee hadda ka shaqa bilaabay Baladweyne ayaa loo diiday in ay wada qaadaan Haweenka iyo raga doonaya in magaalada ay isaga talaabaan.

Xilli dhawaan ay go’day Boondada Baladweyne ayaa waxaa qasabn noqotay in magaalada la isaga talaabo Doonyo yaryar oo ka shaqa bilaabay wabiga dhexdiisa is dadka ay ugu fududaato u kala gooshida Bari iyo Galbeed gudaha Baladweyne.

Maamulada Magalada labadeeda dhinac ka kala taliya ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam  ayaa waxa ay diideen in Haweenka iyo raga ay isla raacaan doonyaha wabiga looga  talaabayo.

Maamulada Shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa waxa ay go’aankaasi ku soo wada rogeen dadka leh Doonyaha oo ay u sheegeen in talaab cad laga qaadayo doontii lagu arkaa iyadoo rag iyo Haween isla saaranyihiin.

Amarkan ayaa yimid maalma ka dib markii ay go’day buundada oo ay doomo yar ay ka shaqa bilaabeen Biyaha Wabiga Shabeele si ay dadka ugu daabulaan magaalada labadeeda dhinac oo hadda kala xeran.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: