DKMG oo soo bandhigay habraaca iyo qorshaheeda 2011-2012
Mugadisho/www.Bartamaha.com:Xafiiska www.Bartamaha.com waxaa soo gaaray Dukumiinta lagu sharaxay Habraaca Marxalada Kalaguurka iyo Qorshe Howleedka dowladda KMG ee 2011 ilaa 2012-ka, waxaana dukumiintitagaani uu ka koobanyahay 10 Peg.
HABRAACA MARXALADA KALA GUURKA & QORSHE HOWLEEDKA DOWLADA 2011—2012:
Dowladda Fedralka kmg ee Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta maamul leh hufnaan karti iyo ujeeddooyin qeexan islamarkaana Xanbaarsan Qaabka ugu Haboon ee looga gudbi karo xiliga ku meel gaarka iyadoo Dalka aanay ka dhicin Xili dowlad la’aan (vacuum).
Aragtida Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Hirgelinta & ku Dhaqanka shareecada Islaamka, Nabad kuwada Noolaansho , Midnimo, Talo wadaag, Iskaashi & in Shacabka Soomaaliyeed soo Ceshada Kaalintii, Sumcadii iyo Haybadii uu caalamka ku lahaa, Noqdana xubin firfircoon oo Buuxiya kaalintii uu aduunka kaga Jiray.
UJEEDOOYINKA:
• Ujeedooyinka Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Baadi goobka, Midaynta, Kalsoonida, Qadarinta , Iskaashiga & is ixtiraamka Dhamaan Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed, Beesha, Caalamka & Wadamada Dariska .
• Dhismaha Wadanka Guud ahaan gaar ahaan Dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaalada, Shuruucda, Dhaqaalaha, Dib u Heshiisiinta, Arrimaha Bulshada, Hubka dhigista & Dhaqan Celinta.
• Tayeynta, Abuurista & Howl gelinta Hay’ado leh Qaab Maamuleed Hufan oo leh Laxisaabtan Qeexan (Tranesprency and Accountipilty).
QORSHAHA LOOGA GUDBI KARO MARXALADA DHAMAADKA WAKHTIGA TFG EE AUGUST 2011:
Ugu horeyn waxaa haboon in lays weydiiyo sida ugu haboon ee loo wajihi karo marxalada dhamaadka Wakhtiga TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011.
Waxaa Muuqata Muhiimada Jiritaanka TFG & Axdiga kmg inta laga gaarayo Dowlad Rasmi ah oo dalku yeesho, dhamaan Masuuliyiinta, Heyadaha iyo Shuruucda Dalka waxay ku dhisan yihiin Axdiga kmg iyo Shuruucda kalee lagama maarmaanka ah.
• Haddaan dib ugu laabano Axdiga kmg Qodobkiisa 32aad Faqradiisa 1aad wuxuu leeyahay mudada Golaha Shacabku waa (Shan) Sano.
• Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 4aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabka lama kordhin karo.
• Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 2aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabku waxay ku egtahay Taariikhda la ansixiyo Doorashada Xigta ee Golaha Shacabka.
• Hadaan eegno Qodobkan 32aad faqradiisa 4aad waxaa baabiyay heshiiskii Jabuuti 2009 kaa soo ogolaaday in wakhtiga Dowlada Federalka kmg lagu kordhiyo 2 sano.
• Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo Jiritaanka dowladnimada ka hor intaanay dhamaanin Wakhtiga Sharcigu tilmaamay iyadoo loo maraayo qaabka sharci ahaan ugu haboon isla markaana ay ku jirto danta guud ee dadka, dalka iyo diinta.
• Haddaba waxaa lagama maarmaan ah inaan is barbar dhigno dhammaan talaabooyinka Axdigu tilmaamayo iyo marxaladaha lagama maarmaanka ah ee ay Duruuftu Keentay.
• Waxaa loo baahan yahay in dhammaan rabitaanada shakhsiga & danaha gaarka ee Siyaasadeed Laga hormariyo danaha dalka, Shacabka, diinta iyo badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed.
• Hadaan eegno dhammaan talaabooyinka suura galka si Heyadaha Dastuuriga ee Qaranku uga gudbaan marxaladan kala Guurka oo run ahaantii ku soo beegantay.
1. Xili aad xasaasi u ah oo dalku ku jiro dagaal ay kooxaha nabad diidka ahi ku hayaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.
2. Abaaro Saameeyay dhammaan dalka Soomaaliyeed Dad & Duunyo.
3. Barakac ay sababeen Dagaalo & Abaaro.
MUUQAALKA & NIDAAMKA DAWLADDA TFG EE XILIGAN”
Waxaa si hufan u Muuqata Nidaam Dowladnimo oo Cagaheeda isku taagtay buuxisayna dhammaan Habraacii Dowladdeed Sida:
• Baarlamaan Qaran oo si wadaniyadi ku dheehan tahay u gudanaya waajibaadkooda una dhabar adaygay siday dalka uga gudbin lahaayeen marxaladahan qalafsan.
• Xukuumad kooban oo leh Furfurnaan Siyaasadeed, oo ay Han weyn u hayaan Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka.
• Qaab xisaabeed dheeli tiran lehna miisaaniyad Sanadeed Si sharci ah loo ansixiyay looguna dhaqmayo.
• Dhismaha & tayeynta Dhamaan Heyadaha qaranka iyo kaabayaashooda.
• Nidaam iyo la xisaabtan Dowlad wanaag oo ku wajahan horumarinta adeega Dadweynaha, Dib u dejinta Barakacayaasha, dhiirigelinta iyo kor u qaadista howlgelada gargaarka Biniadanimo , la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.
• Ciidan Qaran oo Tababaran Diyarna u ah Difaaca & Soo Celinta Nabadgelyada Dalka.
• Howlgal ciidan oo si qotodheer looga fikiray loona dhameystiray kuna wajahan soo celinta amniga dalka oo dhan, Lehna qorshe kala horeeya oo wakhtiyaysan .
• Qorshaha dhaqan Celinta, abuurista xirfado Shaqo iyo Horumarinta Garaadka ee ku Wajahan dhalinyarada Soomaliyeed taasoo horseedaysa in la badbaadiyo mustaqbalka dalka.
• Qorshe Dib u heshiisiineed oo laga hirgalinaayo dhamaan Dalka.
• Horumarinta Siyaasada dibada & Iskaashiga Caalamiga.
• Dhameystirka & Hirgelinta Qabyo Qoraalka Dastuurka Federalka.
Sidaasi darteed dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Qaranka & qof kastoo ay taabaneyso xaqiijinta Jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay ka fikiraan dhammaan marxaladaha lagama maarmaanka iyagoo maskaxda ku haya qodobada kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan.
Haddaba si loo dhameystiro loona sii taaba geliyo dhammaan geedi socodka Horumarka & Bedbaadinta Qaranka waxaa lagama maarmaana in Xiliga dhamaadka TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011 isla markaana ay ahayd in loo dareero Doorasho Si shacabku u soo doorto Xildhibaanadii Matali lahaa iyo Madaxdii kale qaranka.
HADABA:
• Marka si dhaba loo eego xaalada wadanka , xogogaalnimada, waayo aragnimada & masuuliyada naga saran dalka & Shacabka Soomaaliyeed.
• Markaan eegno xaalada & xeeladaha cadowga dibada & gudaha.
• Markaan Cabiro muuqaalka Siyaasadeed & midka military ee u qorsheysan Dowladda kmg, Markaan Qiimayno Taageerada Beesha Caalamka ee Xiligan.
• Waxaa lagama maarmaana inaan Heyadaha Dastuuriga ee Qranka Siino Wakhti ku filan oo ay ku dhameystiraan Howlaha Baaxada leh ee horyaala.
• Hadaba Si Dowladda kmg ay dalka uga Saarto Xiliga ku meelgaarka loona helo Dowladd Rasmi ah waxaa lagama maarmaana in la dhameystiro lana hir geliyo Dastuurka Qabyada si shacabka Soomaaliyeed Go,aan uga gaaro Rabitaanka Mustaqbalkiisa.
• Sidaas darteed Xukuumada kmg waxaa u cadaatay inaanay Suura gal ahayn in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Bisha Augost 2011 Sidaas darteed Xukuumadu waxay soo jeedinaysaa In Doorashada la Qabto Bisha Augost 2012.
• Mudanayaasha sharafta leh waxaan xusuusinaynaa in haddii dalku galo Xili isbedel oo dhinaca Heyadaha Dastuurig ay dhici doonto Khataraha Hoos ku qoran iyo kuwo kaloo badan xitaa haddii saameynta isbedelku qaadaneyso mudo kooban .
• Xukuumada KMG iyadoo ka ambaqaadeysa Dhammaan Qodobada Kor ku xusan, Isla markaana aragta Khatarta dhamaan Qodobada Hoos ku Qoran & kuwa kaloo aan halkan lagu soo koobi karin waxay xubnaha Golaha Baarlamanka ee sharafta leh u soo jeedinaysaa inay tixgaliyaan mudnaanta iyo Baahida Dib u dhigista Xiliga Doorashada.
Haddii aan mid mid u soo qaadano dhammaan talaabooyinka kale ee laga fakari karo oo ah sidan:
ARAGTIDA IN XILDHIBAANADA LAGA SOO DOORTO DEEGAANADOODA:
In dalka doorasho ka dhacdo oo xildhibaanada laga soo doorto deegaanadooda waxay u baahan tahay in la fuliyo dhammaan Qodobadan:
• Sugida amaanka dalka.
• Tiro koob dhab ah.
• Xaqiijinta Xuduudaha Degmooyinka & Gobolada.
• Sameynta & ansixinta xisbiyo siyaasadeed iyo shuruucdooda.
• Dhismaha Gudiga Doorashooyinka.
• Wacyigelin.
• Diwaan gelin.
• Agab/Dhaqaale.
Sidaasi darteed haddii aan eegno Xaqiiqada dhammaan marxaladaha uu xanbaarsan yahay qodobkan waxaa Cad inaysan suura gal ahayn in dalka doorasho ka dhacdo.
ARAGTIDA QABASHADA SHIR WEYNE QARAN:
Arinta kale ee la is weydiin karo waxay tahay in la qabto shir weyne laysugu keenayo xubno Soomaaliyeed oo laga soo xulo qabaa’ilada isla markaana dib loo dhiso Gole Baarlamaan kaasoo lamid noqon doona 99% kana dhib iyo fashil badnaan doona kii lagu qabtay dalka Kenya ee Mpagathy.
• Waxaa adkaan doonta in la helo Gole Baarlamaan oo bedela midka hada dhisan,
• waxaa dhaci doona in Qabaailadu ku heshiin waayaan xulitaanka xubnaha Ergada shirka & qeybsiga tirada Barlamaanka, Shirkani wuxuu qaadan karaa in ka badan 2/3 Sano.
• Sidoo kale wuxuu u baahan yahay Abaabul, Dhaqaale xoog leh iyo Siyaasaddii hagi lahayd taasoo u baahan mudo dheer oo loogu diyaar garoobo:
Haddii aan eegno labada Qodob ee doorasho iyo Shirweyne waxay keenayaan dhowr khatarood sida,
• In dalku noqdo Dowlad la,aan mudo oo uu yimaado (Vacuum) inta lagu jiro marxalada Isbedelka howshan oo sidaan sheegnay qaadan karta mudo dheer oo aan xad lahayn.
• Inay adkaato inay soo baxaan wax Soomaali ay heshiis ku tahay oo lamida ama ku dhaw midkaan manta haysano.
• In kooxaha Argagixisada oo xiligan ku jira marxalad adag oo isugu jirta Burbur & khilaaf dhexdooda inay Midoobaan iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada marxalada kala guurka.
• In Shacabka Soomaaliyeed oo hadda ku dhiiraday inay muujiyaan Ficilada & dareenka ay kaga soo horjeedaan kooxaha Argagixisada ay han jabaan oo u nuglaadaan fikradaha Shababka.
•In Kooxahan Argagixisada oo hadda ay soo wajahday dhaqaale la,aan xoogan iyo Dhibaatooyin kaloo badan inay helaan fursad ay markale is ku Abaabulaan iyaga iyo Ajaaniibta Dibada Dhaqaalaha uga soo dirta iyagoo ka faa’iidaysanaya Xiliga kala guurka.
•In kooxaha Argagixisada ahi u gacan haatiyaan Xubno badan oo ka mida Ciidamada Dowladda,
www.Bartamaha.com
Comments
comments