DKMG ee Soomaaliya oo iska fogeeysay askareynta Caruurta.
Bartamaha (Nairobi):-Wargeeska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareekanka ayaa wabrixin uu ka qoray Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku sheegay in ay Dowladda Soomaaliya Askareyso caruur da’ yar balse DKMG ee Soomaaliyaa ayaa war saxaafadeed ay soo saartay June 17, 2010 waxa ay ku sheegtay aysan jirin wararka sheegaya in Caruur da’ yar ay Ciidan ahaan u qortaan.
Warsaxaafadaadkan ka soo baxay xafiiska Madaxwayne Shariif Axmed ayaa lagu beeniyay in ay jiraan in Dowladda Soomaaliya ay u adeegsato Caruurta yaryar askareyn ama in ay Ciidaan ahaan u qorato.
Madaxwaynaha Soomaaliya aya Amar ku siiyay Taliyaasha Ciidamada in ay Baaritaan ku sameeyaan arrintan si loo ogaado xaqiiqada ah in caruur da’ yar ay askarta ka mid yihiin.
Waxa War saxaafadeedkaa lagu xusay in DKMG ah ay tahay mid mar walba u taagan dhaqan galinta iyo meel marinta shuruucda caalamiga ah sidoo kalena ay wado dhaqan toosinta iyo tayaynta Askarta DKMG ah qoran.
Waxa ay sidoo kale DKMG ah Howl wadeena Wargeyskaa ka codsatay in ay sheegaan halka uu ka helay xota uu qoray iyo sidoo kaleba dadka uu soo xiganayay ee uu Waraystay Magacyadoodaba.
Dhan kalle Hay’adda Qaramadda Midoobay waxa ay wax laga xumaado ku tilmaamay in Caruurta loo adeegsado dagaaladda iyo Askareyn
Danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in Maraykanka ay xaaladda Soomaliya si khaas ah u khuseynayso, waxayna intaa raacisay in dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaliya ay safafka hore ee dagaalada soo geliyeen dhowr kun oo carruur ah.
Inta badan dalalka Afrika ayaa lagu eedeeyay in ay caruurta u adeegsadaan Dagaaladda balse waa markii ugu horeeysay ee Dowladda Soomaaliya lagu eedeyo in ay Caruurta u adeegsadaan Dagaaladda.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments