Diyuurado Xalay qalqal ku beeray dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.
Bartamaha(B/Weyne):-Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ayaa xalay ku seexday Cabsi markii Hawada Magaalooyinka Gobolkaasi lagu arkay diyuurado dagaal.
Dadka Magaalada Baladweyne ayaa si gaar ahu jiifsan waayay markii magaalada joog hoose ay ku dulmarayeen diyuurado nuuca dagaalka ah oo aan la ogayn ujeedada ay lahaayeen.
Diyuuradaha ayaa waxa ay ahaayeen kuwa badan oo dadka ay ku jahawareereen islamarkaana ay malaynayeen in duqeyn ay doonayaan in ay ka geystaan Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan.
Deegaanada Xalay diyuuradaha ay dul meereysanayeen ayaa waxaa ka mida Baladweyne,Buula badre iyo Deegaano kale oo ay haatan ka taliyaan Islaamiyiintra Shabaab iyo Xizbul Islaam.
Lama garan kareo ujeedada aylahaayeen diyuuradaha Xalay dul heehaabayay Magaalada Baladweyne iyo Deegaanada kale ee Hiiraan oo ay Alshabaab iyo Xizbul Islaam dhawaanahan dagaalo ka wadeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments