Diyaarado joog hoose ku socda oo cabsi geliyay Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Bartamaha(Kismayo):- Diyaaradahaan jooga hoose ku socda ayaa xalay fiidkii ilaa saqdii dhexe dulheehaabayay hawada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose.
Dadka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay ka muujiyeen diyaaradahaasi cabsi aad u balaaran iyagoo ka baqayay in ay diyaaradahaasi doonayaan in ay dhibaato ka geystaan magaalada kismaayo.
Dadka Rayidka ah ayaa sheegay in guuxa diyaaradaha ay ahaayeen kuwa laga wada maqlayey dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo.
Masuuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo ee Al-Shabaab ayaan ka hadlin maanta diyaaradahaas aan la aqoon nooca ay ahaayeen iyo ujeedooyinka ay lahaayeen intaba.
Horaantii Bishii aan soo dhaafnay ayay ahayd marki Maamulka Al-Shabaab ee Kismaayo ay sheegeen in ay soo rideen diyaarad nooca wax basaasta ah, oo laga leeyahay dalka Maraykanka kaas oo aan cidna saarnayn, walow aan cadeynmo loo helin diyaaradaasi ay sheegeen Al Shabaab inay soo rideen
Â
Wararka Xaqiiqda ah kala soco www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia
Comments
comments