Dilal Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Ammaanka oo maanta la adkeeyay.
Bartamaha(Boosaaso):-Koox hubaysan ayaa Xalay Boosaaso ku dilay Saddex qof kuwaasi oo ka mid ahaa muwaadiniinta ku nool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dadka Xalay la dilay ayaa waxaa ka mida Sargaal ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee Puntland iyo nin kale oo ay wada socdeen kuwaasi oo mar qura lagu toogtay gudaha Magaalada Boosaaso.
Kooxihii falka dilka ah geystay ayaa la sheegay in ay durbadiiba ay ka baxsadeen goobtii falka uu ka dhacay,walaw goobta falkaasi ka dhacay ay ku soo yaaceen dadyow aad u tira badan.
Dadka Xalay la dilay ayaa lagu aasay Magaalada Boosaaso waxaana ku jiray wiil dhalinyara ah oo xiliga Labada qof la dilayay ka agdhawaa kaasi oo ku dhintay rasaasta ay bistooladleyda ay fureen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments