Dilal Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Bartamaha(Boosaaso):-Kooxo hubaysan ayaa caawa dilal ka geystay gudaha Magaalada Boosaaso xilli Madaxweyne Faroole uu ku suganyahay.
Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa caawa gudaha Boosaaso ku toogtay Laba nin kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah.
Labada qof ee lagu dilay Caawa Boosaaos ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan waxaana la sheegaya in mid ka mida dadka dhintay uu ahaa askari taasi oo aan weli la ogaan.
Dadka ayaa magaalada xilli hore ka xarooday maadaama howlgalo dhanka ammaanka ah ay wadaan Ciidanka Booliiska Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.
Nin ka mida dadka ay dilen Kooxda hubaysan ayaa ahaa ilaalo guriga Xaaji Bakiin oo ahaa masuul Puntland ka mid ahaa kaasi oo marar badan gurigiisa la weeraray.
Dilalkan caawa waxa ay dhaceen xilli madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland oo Boosaaso ku suganyahay kaasi oo la filaayo in ammaan darada uu war ka bixin doono.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments