Dilal aano qabiil ah oo dib uga soo cusboonaaday Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan.
Bartamaha(Maxaas):-Dilal saacadihii ugu danbeyay ka dhacay Deegaano ka mida Degmada Maxaas ayaa noqonaya kuwa sii murjiyay isku dhac beelo ka dhexeeyay.
Dablay hubaysan ayaa la xaqiijiyay in ceel biyood ku yaalay Duleedka Maxaas ay ku dileen laba dhalinyaro Geeley ahayd kuwaasi oo ceelkaasi biya ka soo doontay.
Dilka raggaasi ka dib ayaa la xaqiijiyay in beeshii ragga la dilay ay ka soo jeedeen iyana ay weerar soo qaadeen taasi oo sababtay in ay dilaan Laba rag ah kuwaasi oo loogu aarayay dilkii hore.
Xaalada ayaa noqotay mid cabsi ah iyadoo dadka ka soo kala jeeda labada beel ay bilaabaan in ay kala cabsadaan taasi oo sabab ka dhigtay in deegaanka uu cidlo noqdo.
Dilalka ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan ka dhasha is qabqabsiga dhul beereedyada iyo daaqsinta oo beelahaasi la sheegay in ay isku qabteen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments