Dil Xalay Muqdisho loo gaystay Agaasimihii Wasaarada Haweenka Dowlada Soomaaliya
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa Xalay dil u geystay Agaasimihii Wasaarada Haweenka Dowlada KMG ah xilli uu ku sugnaa hotel uu ka daganaa Muqdisho.
Agaasimihii hore Ee Wasaarada Haweenka Maxamed Nuur Jalaay ayaa Xalay saddex dhalinyara ah oo Bistoolado ku hubaysan ay ku khaarijiyeen afaafka hore Hotel Madina Degmada Xamar Jajab.
Jalaay ayaa u dhintay rasaas badan oo ay qeybaha kala duwan ee jirkiisa la beegsadeen Koox aan la garan kuwaasi oo isaga cararay goobta markii ay dileen masuulkaasi.
Wasiirada Haweenka Foosiya Maxamed Sheekh ayaa cambaareysay dilkaasi iyadoo xustay in Maxamed Nuur Jalaay uu xilli la shaqeeyay wasaaradeeda balse dhawaanahan aanu xilkaasi haynin.
Lama garanayo ujeedada loo dilay ninkaasi oo la sheegay in dhawaanahan aanu haynin xilka Agaasimaha Wasaarada Haweenka wallow ay xusid mudantahay in Kooxaha Mucaaradka ay beegsadaan qof kasta oo la shaqeeyay ama xiriir la leh Dowlada KMG ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments