Calendar

Diiwaan galinta Haween noqonaya Shabaab oo la bilaabay (Xog-Rasmi ah).

photoBartamaha (Muqdisho):- Haweenka dagan dhulka ay maamusho Kooxda Alshabaab ayaa la bilaabay in loo qoro Ciidan ahaan iyadoo dhawaan Tababar balaaran laga furayo Muqdisho.

Saldhigyada Maleeshiyada Alshabaab ay ku leeyihiin Degmada Dayniile iyo Xaafadaha Degmada Heliwaa ayaa laga bilaabay diiwaan galinta Haweenka doonaya ka qeybgalka dagaalada.

Sida uu www.BARTAMAHA.COM u sheegay mid ka mida Maleeshiyada Alshabaab waxaa bilaabatay diiwaan galin guud oo laga wado Xarunta Salaaxu Diin ay u bixiyeen Alshabaab ee ah halkii laga qoday Qabuurihii Talyaaniga Degmada Heliwaa Ee Muqdisho.

Xarunta Salaaxu-Diin ayaa waxaa ka bilowday diiwaan galinta askarta Haweenka Shabaab iyadoo ay halkaasi buuxiyeen Maalintii shalay Haween aad u badan oo ka kala yimid Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Saldhigaasi oo ah goobta ugu weyn oo ay ka soo farcameen Maleeshiyada ugu badan ee Alshabaab ayaa waxa haatan ka socanaya Haween loo qorayo Ciidan ahaan si ay uga qeyb noqdaan dagaalada ka dhacaya Muqdisho.

Sidoo kale Isdiiwaan galinta ayaa waxa ay ka socotaa Xaafada Gubta saldhig ay Shabaabka ku leeyihiin halkaasi oo ay gaareen Haween badan oo ka kala baxay Dayniile iyo Bakaaraha si ay isku diiwaan galiyaan.

Lama garanayo halka lagu Tababaro Haweenkaasi Shabaabka ku biiraya iyadoo aan la ogayn cida tababarka siinaysa maadaama ay yaryihiin Haweenka tababaran ee ka mida Maleeshiyada Alshabaab.

Horay waxaa loo arki jiray Haween lagu dilo dagaalada Muqdisho kuwaasi oo dad badan ay u qaadan jireen kuwa dhanka Saadka ka caawiya Ciidanka Alshabaab wallow haatan la ogaaday diyaarinta Haween gacantooda ku dagaal galaya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: