Calendar

Saada Cali oo Al Shabaab la hadlaysa (DIGNIIN: Hees) Colaad lama daba socdee, Qaranka duminta ka daa

saada cali bartamahaBartamaha — Fanaanadda caanka ah ee Saada Cali Warsame oo lagu yaqaan inay maskaxdeeda ka hadasho iyadoon ka weecan waxayaabaha ay fanaaniinta kale ay ka baqaan ayaa waxay soo saartay hees cusub oo ay u digayso Al Shabaab.
Heestan ayaa magaceeda la yiraahdaa Digniin. Ereyadeedana waxaa ka mid ah:
Nin dalkiisa hooyaad doolar siistay baad tahay.
Dulli ruux ku nooloo dariiq joogayaa tahay.
Nin walaalkii inuu dilo ku ducaysta baad tahay.
Duul soo xajiyayoo Diinta dhowrin baa tahay.
Duul la wada yaqaan oo qabiil daadahshaa tahay.
Wax kastoo danteena ah ninka diidan baa tahay.

Danaystoo waa digniin, danbiyadaad  naga gasheen, dalkeena ka gaysataan dushiina ka ooganee.
Colaad lama daba socdee, Qaranka duminta ka daa.
Colaad lama daba socdee, dadka lugooyada ka daa.

Dhagayso:

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: