Calendar

Dib u Milcisiga Weeraradii Sep 9//11 Warbixin Q 1aad

hanad 123Bartamaha (Warbixin)- Maantay waa maalinimo Sabti ah oo ay bisha September ku beegan 11ka sanadka 2010, sagaal sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay dhacdo argagax iyo jahwareer ku ridday bulsho weynta caalamka raad reeb xunna ku yeelatay dareenka iyo nolosho bulshooyinka caalamka gaar ahana umadaha muslimka ee ku nool dalalka caalamka sida Ciraaq, afghaanistan, Soomaaliya, falastiin iyo Indonesia, iyadoo sidoo kalana ay jiraan dalal aanan muslim ahayn oo ay dhacdadaasi saamaysay, sida dalal aanan muslim ahayn oo balse la ugaarsaday dad asal ahaan muslimiin ah hase ahaatee haysta dhalashooyinka wadamadaasi, sidoo kale axay dhacdadaasi dhaawac weyn u gaysatay dawladda mareykanka oo markaasi ku sababatay iney faraglin milatari oo toos ah iyo midaanan toos ahaynba ku sameysay dalal badan sida Ciraaq, afgansiatn, Soomaaliya, Falastiin, Lubnaan, Indonesia iyo qaar kalle.

Bartamaha oo ah bog aad uga barateen wararka iyo dhacdooyinka caalamka waxa uu ugu talo galay akhristayaashiisa sharafta leh inuu u soo gudbiyo warbixino xiriir ah oo aynku ku eegayno dib u milicsiga dhacdadii 9/11 ee sagaal sano ka hor lagu weeraray mareykanka, sida dakii fuliyay cidda ka dambaysay weerarkaasi, barnaamijyadii ugu qiimaha badnaa ee lga sameeyay, saameynta iyo raad reebk ay ka tagtay dhacdadaasi, iyo waliba saameynta ay ku yeelatay dalka Soomaaliya oo markiisii horeba dhex dabaalanayay qalalaase iyo jahwareer baahsan muddo 10 sanadood ah.

Maanta oo aan wakhtigaasi ka joogno 9 sanadood  waxaan idiin soo gudbinayaa Warbixinta 1aad ee aanu ku eegayno warbixino aynu dib ugu millicsanayno weeraradii 9/11 ee 2001 iyo raad reebkii ay ka tageen.

Weeraradii 9/11.

Weeraraadii dhacay sagaal sano ka hor 11 sep 2001 oo loogu magac daray 9/11 waxay ahaayeen weeraro xiriir ah oo ismiidaamin ahaa kuwaasi oo laga fuliyay gudaha mareykanka sanadkii 2001.

Subaxaasi 9/11 lagu asteeyo 19 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ururka al qaacida ee uu hogaamiyo Sheekh Usaama Bin Ladin ayaa afduubtay 4 diyaaradood oo nooca ganacsiga ah iyo dadkii saarnaa, waxayna afduubayaashaasi ugu talo galleen in labo kamida diyaaradaasi ay ku burburiyaan daarihii ganacsiga ee Twin Towerska loo yaqaanay ahaana xarumaha gacasiga adduunka (World trade Centre) oo ku yaallay bartamaha magaalada Newyork oo ah magaalada ugu balaaran dalka mareykanka waxayna weeraradaasi noqdeen kuwo meel maray amaba la fulliyay.

Khasaarihii Weeraradaasi ka dhashay.

Khasaarihii ugu horeeyay waxa uu ku yimid afduubayaashii diyaaradahaasi iyo dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa iyadoo sidoo kalana ay ku dhinteen dadkii daarahaasi ka shaqeynayay, burburkii daarahaasi ku yimidna waxa uu sababay in muddo 2 saac  gudohooda ay labadaasi daarood ku baaba’een, waxayna sidoo kale burburiyeen oo ay waxyeelo u gaysteen dhismayaashii halkaasi ka agdhawaa.

Diyaaradda sadexaad waxay afduubayaashu la eegteen xarunta gaashaandhiga mareykanka ee Pentagonka oo ku taalla Arlington oo ka tirsan gobolka Virginia, waxay masaafo aad u yar u jirtaa goobtaasi Washington DC caasimadda mareykanka iyo halka uu ku yaallo aqalka cad ee mareykanka looga arimiyo.

Diyaaradda 4aad waxaa lagu soo riday meel u dhaw halka lagu magacaabo Shanksville oo ah miyiga gobolka Pennsylvania kadib markii qaar kamida rakaabkii diyaaradaasi saarnaa ay isku dayeen inay dib ula wareegaan gacan ku haynta diyaaradaasi, waxaana la xaqiijiyay in diyaaradaasi lagu waday in lagu weeraro aqalka cad mareykanka ee Washington DC iyadoo aysan jirin cid nolol uga badbaaday guud ahaanba diyaaradahaasi.

Dhimashada ka dhalatay weeraradii 9/11 waxaa la xaqiijiyay iney ku dhaweyd 3000 ruux iney weeraradaasi ku geeriyoodeen iyadoo lagu sheegay tiro gaaraysay 2,996 oo ay ku jireen 19kii dhalinyaro ee weerarkaasi gaystay.

Dhibaatada ugu weyn ee weeraradaasi waxay saameysay shacbi aanan waxba galabsan inkastoo al qaacidda ay ku dooday in shacbigaasi ay raali dalalkooda uga noqdeen gabood fallo ay ka gaystaan dalalka islaamka, Shacbiga ay weeraradaasi waxyeeladu ka soo gaartay ayaa la xaqiijiyay inay u kala dhasheen 70 wadan oo bulshooyinka caalamka ka kala trsan.

Kadib markii ay weeraradaasi dhaceen xukuumadda washington waxay qaadday tilaabooyin ay weeraradaasi uga jawaabaysay iyadoo wakhtigaasina ay bilawday dagaalada ka dhanka ah argagixisada (War On Terror), waxay milatariga mareykku xoog ku galleen dalka Afghanistan oo ay Dhaalibaaniyiintu gacanta ku hayeen islamarkaana ay ku sugnaayeen shakhsiyaadka ugu sareeyay ururka al qaaciadda sida Usaama Bin Ladin iyo Ku xigeenkiisa Ayman adhawaahiri.

Tilaabooyinkii ugu horeeyay ee Washington ay ku dhaqaaday weerarka kadib.

Weerarka 9/11 markii uu dhacay waxay aqalkii odayaasha mareykanka iyo madaxweynihii wakhtigaasiba ansixiyeen oo ay qallinka ku duugeen sharci loogu Magac daray USA PATRIOTIC ACT, o micnaheedu yahay sharciga wadaniyadda mareykanka iyadoo sidoo kalana ay mareykanku ku khasbeen dalal badan oo ku yaalla caalamka inay xoojiyaan laamaha sharciyadooda ka dhanka ah waxay ugu yeereen argagixisada iyadoo wakhtigaasi kadibna uu caan baxay sameynta laanta sharciga ee Anti- Terrorism Department Police oo ah laanta argagxiso la dirirka oo qeyb ka ah booliiska dalalka caalamka qaarkood.

Qaar kamida laamaha lagu kala gadto maal galinta iyo saamiga shirkadaha  ee magaalada new york ayaa xirnaa todobaadyadii xigay wakhtigii uu weerarka dhacay iyagoo markaasi ka baaqsanayay inuu saameyn ku yeesho dhaqaale burburkii iyo hoos u dhicii saamilayda soo wajahay gaar ahaana laamaha duulimaadyada iyo caymiska dalka mareykanka.

Burburkii ku yimid daarihii ganacsiga ee New York ayaa sababay khasaare gaarayay balaayiin doolar kaasi oo saameyn toosa ku yeeshay dhaqalaha jaziirada Manhattan ee magaalada New York.

Pentagon Memorial

Pentagon Memorial

Dhaawcii soo gaaray Pentagonka amaba wasaaradda gaashaandhiga mareykanka waxaa lagu sameeyay muddo ku siman 12 bilood waxaana Pentagonka goobta uu ku yaallo laga dhinaca dhisay goob xasuuseed loogu magac daray Pentagon Memorial.

Goobtani waxaa laga dhisay jihada koonfur galbeed ee xarunta Pentagonka mareykanka ee Arlington waxaana loogu talo gallay in lagu xasuusto 184 ruux ee lagu khaarajiyay weerarkii 9/11 kadib markii diyaaradii American Airlines Fligh Nimber 77 ay duqeysay halkaasi kadibna dadka intaasi le’eg ku dishay iyadoonan la hubin amaba la xaqiijin karin tirada afduubayaashii diyaaradaasi saarnaayeen, waxaana xaruntaasi si rasmiya loo furay Septemper 11 sanadkii 2008.

DiyaaradMid kamida Daarihii xarumaha gacnacsiga (World trsde Cetre) waxaa lagu burburiyay American Airlines Flight Number 11 waxaana diyaaradii ugu horeysay oo lagu dhuftay daartii waqooyi iyadoo diyaaradu ay kasoo gashay dhinaca sare ee soo jeedka daartaasi abaarihii 8:46 aroornimo wakhtiga mareykanka, waxayna diyaaradu ku dhacday inta u dhaxaysay dabaqyada 93aad iyo 99aad, todobo iyo tobon daqiiqo kadib kooxdii 2aad ee weerarakaasi fulisay ayaa  si lamid ah ugu burburiyay diyaarad United Airlines Flight number 175 dhismihii koonfureed iyadoo lagaga dhuftay inta u dhaxay dabaqyada 77aad iyo 85aad.

Saacadio kadib weerarkaasi 9/11 la magac baxay markii la fuliyay waxaa soo baxay baaritaano iyo hadalo ka sooo baxay laanta mareykanka u qaabilsan dambi baaridda ee FBI si markaasi loo xaqiiqsado cidii fulisay weeraraadsi iyadoo kolkii hore laga shakiyay duuliyayaashii diyaaradhaasi.

Maxamed Cadhaa (Mohmed atta) oo ka soo jeeda dalka maser ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa hogaamiyaha 19kii dhalinyaro ee fuliyay weerarkaasi.

Cadhaa waxaa la rumeysan yahay inuu ku geeriyooday mid kamida diyaaradahii lagu dhuftay xarumihii ganacsiga ee WTC waxaana dhacday in boorsadiisii oo laga helay diyaaradaasi oo kasoo duushay Portland oo lambarkeedu ahaa Flight 11, taasi oo laga dhex helya dukumiintiyo iyo warqado muujinayay safarkiisa sidoo kale waxaa warqadahaasi lagu ogaaday 19kii dhalinyaro ee afduubka gaystay iyo dalalka ay kasoo kala jedeen, iyadoo sidoo kalana sida ay FBI sheegatay ay xaqiiqsadeen xiriiro dhex maray Osama Bin laden oo al qaaciadda madax u ah iyo dhalinayradaasi weerarka fulisay iyadoo sidaasi si lamidana ay xaqiiqsaden sir baarayaasha dalka Jarmalka.

Bishii Sep 27 2201, FBI mareykanku waxay sii daysay 19kii dalinayaro ee fulisay weerarkii 9/11 ee mareykaka lagu weeraray waxayna xaqiijiyeen 1n raggaasi 15 kamida ay kasoo jeedeen dalka boqortooyada sacuudi carabiya oo saaxiib aad ugu dhaw ah mareykanka, labo kamidana ay kasoo jeedeen isu tagga imaaraadka carabta, labada kalana ay kasoo kala jeedeen dalalka Lubnaan iyo Masaaridda.

Baaritaanka ay FBI ku samaysay cidda ka dambaysay masuuliyadda weeraradaasi ayaa waxa uu ahaa mid aad loogu wareeray waxaa baaritaankaasi loogu magac daray PENTTBOM, waxa uuna ahaa taariikhda FBI mareykanka baaritaankii ugu balaarnaa uguna dhib badnaa  ee soo maray waxa uu ku lug yeeshay 7 kun oo saraakiil dambi baarayaala oo waliba khaas ahaa.

Mareykanku baaristaasi kadib waxay xaqiiqsadeen in ururka al qaacida iyo hogaamiyahooda Usaama Bin Laden iney ka dambeeyeen masuuliayadda weerarkaasi, waxayna baaristooda ku sheegeen in FBI ay xaqiiqsatay “evidence linking al-Qaeda and bin Laden to the attacks of September 11 is clear and irrefutable”. Taasi oo uu micnaheedu yahay cadeymaha lagula xiriiranyo weerarkaasi al qaaciadda iyo Usaama Bin laden inuu yahay mid muuqda islamarkaana aanan la beenayn karin, sidoo kale xukuumadda Britain ayaa muujisay baaris kadib iney iyaduna ogaatay in masuuliyadda dambiyadaasi ay leeyihiin ururka al qaacaidda, inakstoo hubaasha la hayaa aysan ku filnayn tuhunka jira marka loo eego dalalka caalamka waxyaabaha laga aamin san yahay.

Dhinaca warbaahinta mareykanka hadii aynu fiirino qoraaga Laurie Mylroie, ayaa sanadkii 2006 shan sano kadib weeraradani waxa uu ku qoray wargayska siyaasadda wax ka qora ee The American Spectator, warbixin dheer oo uu weeraradii 2001 uga hadlayay waxa uuna qoraagu ku dooday in khaalid Sheekh Maxamed iyo qoyskiisu ay noqdeen waxyabaaha ugu weyn ee lagu saleeyay baaritaanadii FBI taasi oo lagu taxliiliyay xiriirka Usama Bin Laden iyo khaalid Sheekh Maxamed ka dhaxeeyay ka hor intaysan weerarada si rasmiya u sheegan iney al qaacidda iyadu ka dambaysay.

Sidoo kale qoraaga Angelo Codevilla ayaa isla wargeyskaasi ku qoray warbixin uu wax badan ku raacay qoraaga hore ee Mylroie isagoo Usama Bin Laden ku miithaalay Elvis Presley waxa uuna arintaasi uga soo horjeestay sarkaal  horey uga tirsanaan jirey CIA mareykanka oo lagu magacaabo Robert Baer oo warbixin ku ku qoray wargeyska The Time Magazine ku sheegay sanadkii 2007, iyadoo taliyuhu warbixintaasi ku cadeeyay in maamulka madaxweyne Bush baahinta ay ku sameeyeen in Khalid Sheekh Maxamed uu sheegay in Al qaacidda ay ka dambaysay weeraradii 9/11 iyo sidoo kale in la ogaaday ficilo badan oo muujinaya in weeraradaasi ay alqaacidda ka dambaysay ay tahay isku day sal iyo raad toona aan lahayn waxa uuna ku tilmaamay Taliyuhu isku daygaasi (Mendacious attempt) oo ah isku day been abuur ah.

Maskadii ka dambeysay weeraradii 9/11.

news-attack-investigation-colInkastoo cid hubantti iyo xaqiiq rasmiya ka bixin kartaa aysan jirin ciddii fulisay weeraradii 9/11 balse uu rabbi subxaana watacaala kaliya ogyahay ayaa haddana marka la fiiriyo warbixintii ay soo saareen qaar badan oo ka mida sir baarayaasha dalalka galbeedka, iyo sidoo kale barnaamij ka baxay telefishinka al jazeera laantiisa afka carabiga oo uu soo saaray wariyaha reer masar ee lagu magacaabo Yusri Fuudda, waxaanna barnaamijkaasi oo lagu magacaabay Siru lil gaayah (Sirtii aadka u sareysay) uu noqday mid sii muujiyay tuhunka kooxda al qaacaidda lagu tuhun san yahay iney fulisay weeraradaasi waxaana la tilmaamay in weeradaasi ay fuliyeen 19 dhalinyaro oo badankoodu ku soo tababartay dalka Afghanistan waxaana dhalinyaradaasi kamid ahaa:

Maxamed Cadhaa: Ninka Lagu magacabo Maxamed Cadhaa ayaa la rumeysan yahay inuu hogaamiye u ahaa 19kaasi nin waxa uuna asal ahaan cadhaa kasoo jeeday dalka Masar waxa uuna kamid ahaa raggi afduubtay diyaaradii American airlines Flight number 11 oo fulisay weerarkii 1aad ee lagu burburiyay daartii waqooyi ee dhismayaashii ganacsiga magaalada New York.

Maxamed Cadhaa waxa uu dhashay 1968 waxa uu ku dhasahy dalka masar waxa la xaqiijiyay in kuliyadda nakhshadeynta uu ku bartay jaamacadda Cairo sanadkii 1990, kadibna waxa uu u wareegay jaamacadda Farsamada ee Technical Hamburg University oo ku taalla dalka Jarmalka, waxa uuna Cadhaa si joogta ah ugu xirnaa masaajidka Al qudus la oran jiray ee magaaladaasi ku yaalla oo dhawaantan la xiray iyadoo la tilmaamo iney halkaasi ku kulmeen cutubkii dhalinyaradii weerarkaasi fulisay gaar ahaan laantii Humburg oo ka koobnaa Cadhaa, Marwan al Shexxi,  Ramzi binu Shaybah iyo Ziyaad Jarraax.

Khalid al-Mixdhar: waxa uu kamid ahaa 19kii dhalinyaro ee la xaqiijiyay in weerarkaasi  fuliyeen waxa uuna dhashay sanadkii 1975 isagoo ku dhashay dalka boqortooyada Sacuudi carabiya waxa uu kamid ahaa shantii afduube ee diyaaradii American airlines Flight number 77 taasi oo ahayd middii lagu weeraray wasaaradda gaashaandhiga mareykanka, Al mixdhar waxaa la xaqiijiyay inuu kasoo dagaalamay dagaalkii Bosnia sanadihii 1990, iyadoo horaantii 1999 uu u safray dalka Afghanistan oo uu la kulmay madaxdii al qaacidda waxa uuna ahaa nin si aad ugu lug lahaa hawl galadii 9/11.

Nawaf al-Xazmi: waxaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa dhalintii weerarkaasi fulisay waxaa la sheegay in sidoo kale loo yaqaanay Rabiya al Makki waxa uuna dhasahay sanadkii 1976 isagoo ay saaxiibo ay is la soo barbaareen ahaa Khaalid Al mixdhar, Sacuudiyaan ayuu ahaa waxa uuna kamid ahaa afduubayaashii diyaaradii American Airlines Flight Number 77 taasi oo lagu weeraray Pentgonka mareykanka.

Nawaf iyo khaalid al mixdhar waxaa la xaqiijiyay in guryahooda ay kasoo tageen sanadkii 1995 si ay uga qeyb qaataan dagaaladii Bosnia ka soconayay, kadibna waxay ku birreen dagaalyahanadii Dhaalibaan ee Afghanistan ka dagaalamayay, sidoo kalana waxa la sheegaa inay kasoo dagaalameen Checnya sanadkii 1998.

Ziyaad Jaraax: waxa uu kamid ahaa 19kii dhalinyaro ee argagaxa galiyay xukuumadda Washington waxa uu dhashay sanadkii 1975 isagoo asal ahaan kasoo jeeday dalka Lubnaan waxa uu ka dhashay qoys qaniya oo reer Lubnaan ah waxa uu ahaa xubin ka tirsan cutubkii Hamburg (Hamburg Cell) oo ay kawada tirsanaayeen isaga, Maxamed Cadhaa, Marwan al Shexxi iyo Ramzi Binu Shaybah waxa uuna cutubkaasi sameysmay sanadkii 1998.

Waxaa la rumeysan yahay in Jarraax uu ahaa Duuliyaha diyaaradii United airlines ee Lambarkeedu ahaa 93 taasi oo qeyb ka ahayd weeraradii 9/11, waxay diyaaradaasi ku ahaayeen isaga, Saciid Al Ghamdi, Axmed Al Nami iyo Axmed al Xaznawi iyagoo weerarkoodii ku aaddanaa Capitol Hill amaba aqalka cad uu noqday mid dhicisoobay, kadib markii diyaaradoodii lasoo riday.
Jarraax waxa uu ku dhashay Mazraa oo ku taalla Lubnaan, kolkii uu jirey 7 sano ayay yahuudu waxay xoog ku qabsatay koonfurta Lubnaan, waxa uu dhigan jiray iskool Catholic ah oo ku yaalla magaalada Bierut maadaama waaridkii dhalay oo suniyiin islaam ah ahaa aysan ahayn dad joogteeyo ku dhaqanka diinta islaamka.

Marwan Al Shexxi: wax uu dhashay sanadkii 1978 isagoo ku dhashay dalka isu tagga imaaraadka carabta waxa la tilmaamaa inuu ahaa duuliyaha diyaaradii United Airlines Flight Number 175 oo ahayd diyaaradii lagu burburiyay daartii Koonfureed ee daarihii ganacsiga New York.

Al Shexxi waxa uu ahaa ardey ka yimid UAE isagoo waxbarasho dheeraada u tagay dalka jarmalka waxayna halkaasi isku barteen oo ay saaxiibo aad isugu dhaw noqdeen Maxamed Cadhaa, Ziyaad Jarraax iyo Ramzi Binulshaybah, waxay duulimaadka diyaaradaha isla barteen Maxamed Cadhaa oo ay wada dhigteen dugsiga duulimaadka ee Huffman Aviation oo ku yaalla magaalada Venice ee gobolka Florida ee dalka mareykanka, iyadoo markii uu baranayay duulimaadka uu jiray 23 sano,  waxa uuna ahaa duuliyihii ugu da’da yaraa afarta duuliye, ee duulinayay diyaaradihii weerarkii 9/11 lagu fuliyay.

Hani Xanjuur: waxa uu kamid ahaa dhalintii 19ka ahayd ee weerartay 9 sano ka hor mareykanka waxa uu kasoo jeeday sacuudi carabiya isagoo dhashay sanadkii 1972 waxa uu kamida ahaa afduubayaashii diyaaradii American airlines ee lagu weeraray Pentagonka mareykanka.

Xanjuur markiisii ugu horeysay waxa uu mareykanka tagay sanadkii 1991 isagoo iska diiwaan galiyay jaamacadda Arizona halkaasi oo ku bartay luuqada ingiriisiga inkastoo isla waayadiiba uu dib ugu noqday sacuudiga, dib ayuu mareykanka ugu noqday sanadkii 1996 oo uu waxbarasho ka bilaabay gobolka California, kadibna waxa uu bilaabay inuu barto duuliyanimo oo uu ka dhiganayay gobolka Arizona.

Sanadkii 1999 ayuu khaliid Xanjuur waxa uu ka qalin jabiyay wax barashadii duulimaadka diyaaradaha ganacsiga oo uu mareykanka ku baranayay waxa uuna dib ugu noqday dalka boqortooyada sacuudi carabiya si uu shaqo duuliyanimo uga helo dalkiisa hooyo.

Waxaa la xaqiijiyay inuu codsaday duuliyanimo balse uu ku guul daraystay, daba yaaqadii sanadkii 1999 Hani Xanjuur waa uu isaga tagay Sacuudi carabiya waxa uuna qoyskiisii u sheegay inuu aadayo imaaraadka carabta si uu shaqo uga helo, sida laga so xigtay khaalid Sheekh Maxamed, Xanjuur markii isago oo afghansitan jooga la ogaaday inuu yahay Duuliye ayaa loo doortay inuu kamid noqdo dhalinyaradii weerarkaasi fulisay.

Qaabkii Weerarka 9/11 loo fuliyay.

Diyaaradii American Airlines Flight 11

Diyaayradani waxay ahayd middii lagu fuliyay weerarkii ugu horeeyay oo lagu burburiyay daartii waqooyi ee daaraha ganacsiga waxana la xaqiijiyay in diyaaradani ay afduubteen Moaxamed Cadhaa (Masar) Walleed al Shehri (Sacuudi carabiya) Cabdul Casiis Al-Cumari (Sacuudi carabiya) iyo Satam al Suqami (Sacuudi Carabiya).

Labo kamid dadkii ka shaqeynayay flightkaasi ayaa xaqiijiyay qaabka uu weerarku u dhacay Betty Ong ayaa sheegay in afarta dhalinyaro ee diyaaradaasi afduubtay ay kiraysteen afar kursi oo kamida kuraasta heerka ugu qaalisan ee diyaaradaasi oo kala ahaa 2A, 2B, 9A iyo 9B, dhinaca kale Amy Sweeney waxay sheegtay in diyaaradda ay kasoo raaceen garoonka Logan ee magaalaad Boston looguna tilmaamay markii ay diyaarada raggasi soo raacayeen rag u dhashay wadamada Bariga dhexe.

Maxamed Cadhaa oo ahaa duuliyihii la wareegay diyaaradda intaysan qaraxa gaysan waxay laanta la socoshada fariimaha diyaaradaasi xaqiijisay iney maqashay hadalkiisa, iyadoo uu gudbinayay fariin uu ugu talo galay rakaabkii diyaaradaasi saarnaa ka hor intuusan qaruxu dhicin.

Waxayna fariintaasi ahayd sidatan:

Waxaynu rabnaa qorshayaal aanan sidaasi u weynayn, xaaladuna caadi ayay noqonaysaa, waxaan dib ugu noqonaynaa ayraboorkii aynu kasoo duulnay, qofna ma dhadhaqaaqi karo, hadii ruux kamida rakaabka uu isku dayo inuu dhaqdhaqaaq sameeyo ogaada waxa uu khatar galinayaa nafsadiisa iyo tan diyaaradda, waa inaad sidaasi ogaataan dib waxaan ugu noqonaynaa ayraboorka yuusan qofkiina isku dayin inuu sameeyo falal nacasnimo ah.

Diyaaradii United Airlines Flight 175

Diyaaradani waxay ahayd diyaaradii lagu burburiyay daartii koonfureed ee daarihii ganacsiga mareykanka waxay 17 daqiiqo ka dambaysay diyaaradii hore ee lagu burburiyay daartii waqooyi waxaana diyaaraddani sfduubtay Marwan al-Shexxi (UAE), Fayez Banihammad (UAE), Mohanad al-Shexri (Sacuudi carabiya), Hamza al-Ghamdi (Sacuudi carabiya), Axmed al-Ghamdi (Sacauudi carabiya).

Wararkii ugu dambeeyay ee diyaaradaasi laga helayna waxay sheegayeen in rakaabkii la laayay diyaaradiina la afduubtay.

Diyaaradii American Airlines Flight 77

Diyaaradni waxay ahayd diyaaradii lagu weeraray gaashaandhiga mareykanka 11kii Sep 2001 waxaana diyaaradani raggii afduubtay kamid ahaa Hani xanjour (Sacuudi carabiya), Khalid al-Mixdhar (Sacuudi Carabiya), Majeed Moqed (Sacuudi carabiya), Nawaf al-Hazmi (Sacuudi carabiya) , Salem al-Hazmi (Sacuudi carabiya)

Labo kamida afduubayaashii diyaaradaasi oo ahaa Hani Xanjuur iyo Majid Moged ayaa lagu sheegay iney iibsadeen labo tikidh oo single ah kuwaasi oo ka tirsanaa kuraasta qaaliga ah waxayna diyaaradda kasoo raaceen Totowa oo ka tirsan New Jersey waxayna diyaarada ku soo raaceen tikdho qiimahooda lagu sheegay 1,845.25 oo ay kaash u bixiyeen Renee May oo ka tirsanayd shaqaaliha diyaaradaasi oo la hadashay hooyadeed oo ku sugan Las vegas gobolka Nevada ee dalka mareykanka in diyaradoodii ay afduubteen lix ruux iyagana la isgu geeyay qaybta dambe ee diyaaradda.

Dhinaca kale haweeneey lagu magacaabo Barbara Olson oo wacday saygeeda waxay u cadaysay in diyaaradoodii la afduubtay afduubayaashuna ay ahaayeen kuwo hubeysan, waxaana labo kamida dadkii diyaaradaasi afduubtay oo kala ahaa Khaalid Mixdhar iyo Nawaf al-hazmi ay horay ugu jireen liiska shakhsiyaadka ay FBI mareykanku tuhunsanayd, sida markii dambe la shaaciyay.

Diyaaradii United Airlines Flight 93

Diyaaradani waxay ahayd diyaaradii loogu talo galay in lagu qarxiyo aqalka cad ee mareykanka waxaana diyaaradani afduubtay Ziyaad Jarraax( Lubnaan), Axmed al-Xaznawi (Sacuudi carabiya), Acmed al-Nami (Sacuudi carabiya), Saciid  al-Ghamdi (Sacuudi carabiya)., weerarkii diyaaradani waa u dhicisoobay waxa uuna noqday mid lagu soo riday halka lagu magacaabo Shanksville oo ka tirsan  gobolka Pennysylvania.

Mid kamida rakaabkii diyaaradaasi saarnaa oo lagu magacaabay Jeremy Glick ayaa xaqiijiyay in diyaaradoodii ay afduubteen rag muuqaal ahaan carab ah isla markaana hubeysan.

Ziyaad Jaraax oo reer Lubnaan ah, ahaana duuliyihii diyaaradda ayaa baahiyay fariin u eg tii uu baahiyay Maxamed Cadhaa isagoo la hadalaya rakaabkii diyaaradaasi saarnaa.

Waxa uuna Jaraax yiri:

Mudanayaal iyo Marwooyin ruux idin la hadalaya waa kabtankii diyaaradda is dajiya iskana fariista waxaa diyaarada saaran Bambo marka waa inaad fadhiisataan oo aad is dajisaan, waxaan dib ugu noqonaynaa Ayraboorkii aynku ka nimid ee xasiloonida hala dhawro hana la fadhiyo.

Diyaaradani waa diyaaradi kaliya ee aanan lagu fullin qorshihii loogu talo gallay weeraradii 9/11 oo ahaa in aqalka cad lagu burburiyo, balse waxaa looga hortagay gobolka Pennysylavania oo lagu soo riday.

Warbixinta Q 1aad intaas ayaan ku joojinayaa, Todobaadka dambe ayaa soo gudbinayaa Q 2aad.

W.Q Cabdiqafaar Axmed Shire.

Chief Editor: Bartamaha, Somali breaking News and Video Community.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: