Calendar

Dib u dhis lagu sameynayo Xaruntii Gobolka Ee Fiisha Gufeerno oo maanta Madaxwaybe Xasan sheekh furay

BARTAMAHA – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh maxamuud oo ay wehlinayeen Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Maanta si Rasmi ah Xariga uga Jaray Dib u dhis lagu sameynayo Xaruntii Maamulka Gobolka Banaadir Ee Fiisha Komerno oo Mudo 24 sano ah Bur Bursaneed .
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka Hadlay xaflad gaaban oo ka dhacay xarunta Fiisha Kumerno ayaa waxaa uu sheegay in uu Go.aan ku Gaaro 24 Sano ka dib in uu Noqdo Gudoomiyihii ugu horeeyay Ee dayac tira Xaruntii Hore Ee Gobolka isla markaanan ku shaqeeya isagoo Ganacsatada Soomaaliyeed waydiistay in ay Account Number ay ka sameeyeen Bangiga dhexe Ee Somalia lacago lagu shubo oo ay ka qayb qaataan Bulshadu Dishmaha xaruntaan isagoo Intaa ku daray in uu ku kacayo Dhismaha Xarunta iyo qalabeynteeda Dhaqaale Gaaraya 3.000.000 {Sadax Milyan oo Dolar}.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Mudane Xasan Sheikh ayaa isagu ugu Dambeyn waxaa uu ku amaanay maamulka Gobolka Banaadir Ee uu hormuudka u yahay Gen Muungaab is Xilqaamka iyo dadaalka uu ugu jiro Dhismaha Xaruntii Gobolka banaadir oo Maanta Baahi wayn loo qabo in la dayactiro oo Maamulku ku shaqeeyo Madaxweynaha ayaa isna waxaa uu ganacsatada waydiistay in mashruucaan ay garab istaagaan oo Dhismaha Xaruntaas ay Gacan ka geestaan . isagoo ugu Dambeyntiina Dhagax dhigay Dhismaha Xarunta .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: