VIDEO: Dhuxusha Kismaayo Kenya shaqo kuma laha, Soomaaliya waa dal Xor ah Dowladeedaana u talinaysa
Bartamaha Nairobi — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonka oo ka qeybgalay xaflad ay soo qabanqaabisay IST/AU ayaa saxaafadda la hadlay isagoo ka waramay ciidamada Kenya (KDF) iyo AMISOM.
Wasiir ku Xigeenka oo la weydiiyey Dhuxusha dekedda Kismaayo ku xayiran iyo Dowladda Kenya halkay ka taagan tahay ayuu wuxuu ku jawaabay “Kenya shaqo kuma laha, Soomaaliya waa dal xor ah, Dowladeedaana aayaha Soomaaliya ka talinaysa, Kenyana wey ku taageeraysaa go’aanka ay Dowladda Soomaaliya ka qaadato”.
Richard Onyonka oo khudbad goobtaas ka jeediyey ayaa sheegay in 2,700 oo askari oo ka tirsan cidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka Midoga Afrika lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii uu howgalkan billowday sanadkii 2007.
Daawo:
Video: Soomaalo.com
_______
Maxamed Mascuud – Xafiiska Wararka Bartamaha ee Nairobi
Comments
comments