Calendar

Dhul-gariir Xalay ka dhacay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

BooramaBartamaha(Boorama):-Dhul gariir aan sidaa u xooganayn ayaa Xalay laga dareemay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal halkaasi oo qalqal ay dareemeen dadka dagan

Dhul-gariir  aya waxa uu ahaa mid aad u yar xadigiisana aanu balaarnayn wallow uu cabsi xoogan ku beeray dadka dagan hareeraha dhulka buuralayda ah.

Dhulgariirkan ayaa socday muddo daqiiqda ah waxa uuna sababay in qalqal xoogan ay dareemeen dadka saarnaa dhismayaasha dhaadheer iyo dhulka buuralalayda ah.

Dhulka Buuralayda ah ee ku hareereysan  Boorama ayaa laga dareemay ruxanka dhulka waxaana sidoo kale dareen aan badnayn uu galay dadka dagan Gabile iyo Boon.

Ma jiro Wax qasaara ah oo ka dhashay dhul gariirka Xalay laga dareemay Magaalada Boorama waxaana dhowr jeer ooh ore la dareemay dhul gariir nuucaai oo kala ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: