Calendar

Dhismaha Golaha Shacabka oo maanta ay dayactir iyo olole Nadaafadeed ka bilowday Dowlada (Daawo Sawirada).

bart2Bartamaha(Muqdisho):-Olole Ndaafadeed iyo dhagax dhig fure u ah Dayactirka Gurigii Umadda ayaa maanta ay Bilowday Dowlada Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday Dhismaha Hoygii Shacabka ama Gurigii Umada ayaa waxaa maanta lagu bilaabay Olole Nadaafadeed iyo dhagax dhig la doonayo in lagu dhiso dhismhaasi.

Ra’iisul Wasare Xigeenka ahna Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka hadlay Munaasabada ayaa waxa uu xariga ka jaray Ololaha Nadaafadeed isagoo jaray geedo ku dhex yaalay Dhismaha Golaha Shacabka.

Prof.C.raxmaan Ibbi oo ka hadlay Munaasabada maanta ayaa waxa uu sheegay in dhismahaasi dayactirka lagu bilaabayo uu masuul ka yahay Gudoomiyaha Baarlamnanka Sheekh Aadan Madoobe oo balan qaaday qarajka ku baxaya.

Waa markii ugu horeeyay ee si rasmi ah loo dhagax dhigo dhismaha Gurigii Umada oo dhawaanahan ahaa meel Bahala galayn ah oo dhammaan burbursan islamrkaana dhinacx waliba albaab ka noqotay taasi oo burburka gaaray Muujinaysa.

bart1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

bart3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

bart4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: