Calendar

Dhimashada 30-ruux iyo dhaawaca 60-kale ayaa ka dhalatay Madaafiicdii Saaaka Magaalada Muqdisho la isku dhaafsaday.

amblsBartamaha(Muqdisho):-Qasaarihii ka dhashay Madaafiicdii Saaka dadka Muqdisho hurdada looga toosiyay ayaa sii kordhaysa iyadoo inta la ogyahay ay dhinteen 30-ruux 60-kalana dhaawacyo inta badan Culus ay soo gaareen.

Madaafiicda ayaa badankood waxa ay dadka ku laayeen Xaafadaha Siigaale,KPP,Isgoyska Bakaaraha iyo Howl-Wadaag halkaasi oo madaafiic darandoori ah lagu soo garaacayay.

Dhawaqa Madaafiicda PM-ka iyo Taangigaga ayaa Magaalada saaka oo idil laga maqlayay kuwaasi oo sida roobka oo kale ugu hoobanayay Suuqa Bakaaraha.

Dhimashada iyo dhaawaca dadka ayaa waxa ay badankood ka dheceen gudaha qeybhta khudaarta Bakaaraha,qeybta raashinka,wadada 1-aad iyo Isgoyska Bakaaraha.

Gawaaridad gurmadka Deg-dega ah ayaa waxa ay ku wareereen qaabkii ay u kala garan lahaayeen dhawaca iyo dhimashada maadaama xillki waliba madfac uu ku soo dhacayay suuqa Bakaaraha.

Illaa muddo 2-Saacadoiod ah ayaa waxaa Bakaaraha ku socday duqeyn aan kala go’lahayn taasi oo waxyeelada shacabka geysatay mudooyinkii ugu danbeeyay qasaarahan oo kale kama dhicin Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: