Dhiiqada Islii Nairobi iyo Dharka dadka Ciidaya dheeho Sawirada Maanta.
Bartamaha (Muqdisho):- Qof walba oo ku noolaaday ama maalma ku hakaday Nairobi waxa uu yaqaanaa wadooyinka ay ka koobantahay xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi oo la yaabkeeda Xambaarsan.
Bulshada maanta Ciidaysay ayaa waxa ay difaac adag uga jireen dhiiqada taala qaar ka mida wadooyinka waaweyn ee Xaafadan ay soomaalida deegaan ahaanta u dagantahay ee Islii Magaalada Nairobi.
Xaafada Islii waxa ay ka mid tahay goobaha ugu dhaqdhaqaaqa Ganacsiga badan ee Magaalada Nairobi waxaana Meherado badan oo ganacsi ku leh Ganacsato Soomaaliyewed oo qaarkood daara dhaadheer ka dhistay.
Xaafadan ayaa xiliga uu roobka da’o ama ay dhadada soo dhacdo la dareemaa dhibka ugu weyn waxaana qof waliba uu yahay mid eegaya halka ay lugtiisa qabanayso maadaama dhiiqada iyo biyaha daadsan xaafadan ay qasab ka dhigtay in qof walba u noqdo mid labadiisa lug dhaqdhaqaaqooda la socanaya.
Sida muuqaalka Islii aad ka dheehan kartaan waa xaafad aad u dhisan balse wadooyinka dadka waxa ay u maraan si feejigan iyagoo si gaar ah ula socda halka ay lugtooda qabanayso maadaama ay ka baqanayaan in dhiiqada iyo dharkooda ay is gaaraan.
Dad badan ayaa maanta ay dantu qasab ka dhigtay in dharkooda ay iska dhigaan maadaama wadooyinka qaar ay biya yaalaan islamarkaana xadiga dadka socanaya uu aad u badnaa taasi oo dhalisay in dad badan ay biyaha ku dhacaan oo dharkii Ciida iyo dhiiqada xaafada ay is taabteen.
Dheeho Sawirada:-
Abdirizak Yusuf Abdalla “Kampala”
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Comments
comments