Dhaqdhaqaaqyo Ciidan ayaa laga dareemayaa qeybo ka mida Gobolka Hiiraan.
Bartamaha (Hiiraan) Ciidamo ka tirsan Dowlada Fd iyo Kooxda Ahlu-sunnah wal-jamaaca ayaa la soo sheegayaa in ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen wadada u dhexeysa B/Weyne iyo Buula-barde.
Ciidamada Dowlada Fd iyo Kuwa Ahlu-sunnah wal-jamaaca ayaa la sheegayaa in ay saaka u soo dhaqaaqeen dhanka wadada u dhexysa Balad-weyne iyo Buula burde halkaasi oo ay xiliyadii ugu danbeeyay ku sugnaayeen Kooxda Xizbul Islaam.
Xaalada Deegaanadaasi ayaa u muuqata mid dagaal iyadoo laga dareemayo abaabulo Ciidan Deegaanada Buula-Burde iyo Jalalaqsi halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamada Mucaaradka dowlada ah.
Dhaqdhaqaaqyada cusub Ee Gobolka Hiiraan ka soo baxaya ayaa imaanaya xilli qeybo badan oo ka mida Gobolada dalka ay la wareegeen xoogaga ahlu sunnah wal-jamaaca.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments