Dhaqdhaqaaq ku aadan soo dhaweynta Munaasabadda Ciida Carafo oo laga Dareemayo Gudaha Magaalada Kismaayo.
Â
Â
Bartamaha(Kismayo):- Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo loogu diyaar garoobayo munaasabada Ciida Carafo ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada waa weyn ee ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Goobaha sida aadka ah dhaq dhaqaaqa looga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo xoolaha, Buskudka iyo xalwada,Goobaha haweenka isku qurxiyaan iyo weliba goobaha dharka lagu iibiyo iyada oo dhamaan goobahaasi laga dareemayomashquul badan iyadoo dadweyne aad u farabadan lagu arkayo goobahaasi kuwaasi oo si weyn ugu diyaar garoobaya munaasabada Ciidul Adxa.
Qaar ka mid ah dadkaasi oo aan kula kulanay suuqyada xoolaha lagu iibiyo ee Magaalada Kismaayo oo ahaa kuwo si aad ah u mashquulsan ayaa ii sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay Ciida Carafo u diyaar garoobaan isla markaana iibsadaan xoolahii ay maalmaha ciida Gowraci lahaayeen.
Si kastaba ciida carafo ayaa waxa ka harsan mudo 1 maalin ah waxaana farxada ciida carafo soo dhaweynaya guud ahaan muslimiinta ku dhaqan daafaha caalamka gaar ahaan Wadanka soomaaliya walow ay jiraan dad badan oo ku barakacay gudaha wadanka soomaaliya kuwaas oo naftooda kala soo cararay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Wadanka Soomaaliya oo aan haysan wax ay kaga qeybqaataan farxadda Ciida.
Â
Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com
ICC
Kismayo-Somalia
Comments
comments