Calendar

Baydhabo: Xaafadaha baydhabo oo Magacyadii laga badalay

baydhaboBartamaha(Baydhabo):-Maamulka Kooxda Alshabaab Bay iyo Bakool ayaa dhammaan magacyada ka badalay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay isagoo magacyo Hogaamiyaal u bixiyay.

Xaafadaha afarta ah ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa look ala bixiyay magacyo ka kala tarjumada Koox hogaamiyaal ah oo qaar ka mida ay horay u ahaayeen Al-Qaacida halka mid ka mida uu ahaa Hogaamiye sare oo soomaali ah.

Afarta Xaafadood ayaa waxaa magacyadooda lagu kala baday sedan:-

Xaafada Horseed waxaa loo badalay Salaaxudiin Al-Ayuubi.

Xaafada Isha waxaa loo bixiyay Abuu Muscab Al-Zarqaawi,

Xaafada Mursal waxaa loo bixiyay Bukhaari,

Xaafada Bardaale waxaa loo bixiyay Axmed gureey.

Xafadaha yar yare ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale loo bixiyay Imaamu shaafici,Towfiiq iyo Abuu Jamaal iyo kuwa kale oo dhammaan la sheegay in ay yihiin kuwa muujinaya astaanta Mujaahidiinta.

Isku soo duub magacyada la badalayo ayaa waxa ay si gaar ah u muujinaysaa shaqooyinka alshabaab ay ka wadaan gobolo ka mida Koonfurta Soomaaliya iyagoo badalay Calanka Soomaaliya deegaano badana ka badalay magacyada ay lahaayeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: