Dhalinyaro Xalay lagu qabqabtay Mandheera.
Bartamaha (Mandheera):- Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa Xalay raaf ay Booliiska Kenya samaynayeen lagu qabqabtay gudaha Degmada Mandheera.
Howlgalka Xalay oo ahaa mid balaaran ayaa lagu qabqabtay Tobanaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan haysan sharciga dalka Kenya kuwaasi oo dhamaan la dhigay Xabsiga.
Howlgalka oo ka yaraa mid Habeen hore ay Booliiska ka sameeyeen Xaafada Islii Nairobi oo ay Ciidanka Xabsi ugu dhaadhiciyeen in ka badan 100-dhalinyaro Soomaaliyeed ah.
Ciidanka Xalay howlgalka samaynayay ayaa waxa ay beegsanayeen dhalinyarada aan lahayn sharciga dalka Kenya iyagoo gaari ay wateen ku tuurayay qof waliba oo aan sharci wadan.
Howlgalada isdaba jooga ah oo ah wadaan Ciidanka Kenya ayaa imaanaya xilli dhawaan qaraxyo ay ka dhaceen Magaalada Kampala ee dalka Ugandho oo baaritaanka weerarkaasi ay iska kaashanayaan labada Dowladood.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments