Calendar

Canada:Soomaali lagu diley alberta

bosn

Bartamaha (Alberta):- Idiris Cabas oo 23 jir ah iyo Siciid Cadad oo 22 jir ah oo ah wiilal Somali ah ayay Booliska gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa sheegay in meydadkooda laga heley degaanka Hillside Manor, oo ka tirsan Alberta.

Booliska ayaa sheegay in meydadka labada wiil laga heley goob caan ku ah daroogada iyo haweenka jirkooda ka ganacsada halkaasi oo loo maleynayo in lagu dilay.

Labadan wiil ayaa sida la sheegay waalidiintooda la noolaa waxayna ku dhasheen labaduba dalka Soomaaliya oo iyagoo yar yar laga keenay.
Ma jirto cid ay boolisku u xireen dilkooda, waxaana fhayeen booliska u hadlay ayaa sheegay in kiiskan ay baaritaano ku wadaan, waxaana boolisku tilmaameen in wiilashada la dilay ay ahaayeen dad aan wax xiriir ah looga shaki qabin inay la lahaayeen kooxaha burcada ah ‘gangs’.

Jaaliyada Soomaalida ee Alberta ayaa ka qeybgalay aas loo sameeyey labada wiil oo la dilay 17 Feruary oo todobaadkii hore ah.
Dilalka loo geysanayo dadka Soomaalida ayaa dhowaanahan ku soo badanayey wadamada dibada gaar ahaan Europe iyo Amerika, waxaana dhinaca kale jira shaki badan oo laga qabo in dilalka qaarkood ay ku lug leeyihiin Soomaali burcad noqotay.

Tan iyo bishii august ee sanadkii 208 waxaa dalka Canada lagu dilay 8 will oo Somali ah iyadoo inta badan dhalinta Somalida ah dhawaanahan ku lagu dilay dalka Canada ay u dhaxeeyaan 17-24 jir.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: