Dhalinyaro soomaali ah oo dowladda Mareykanka ay Dalkeeda ka soo musaafurisay oo garoonka muqdisho ka soo dagay.
Dhalinyaradan oo tiradoodu ay gaareysay Sagaal ruux ayaa waxaa diyaaradii siday oo ka timid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kasoo saaray Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayadoo markii ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kasoo degeenna baaritaanno ay ku sameysay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo ka hadlay dhalinyaradan maanta dalka dib loogu soo celiyey ayaa tilmaamay in Dowladda Mareykanku ay ragan kusoo eedeeysay iney si sharci daro ah ku galeen dalkeeda,baaritaannada lagu sameeyey markii ay Muqdisho kasoo degeenna ay la xiriireen inay Dalka dembi ka galeen iyo in kale.
Wasiirka ayaa tilmaamay in baaritaan kadib dhalinyaradan lagu waayey wax dambi ah kadibna xoriyadooda la siiyey oo lasii daayey hadana ay ayagoo xor ah magaalada aadeen
dhacdadaan ayaa noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay Dowladda Mareykanku muwaadiniin Soomaaliyeed ah dalkooda dib ugusoo celiso isla markaana sababta ka danbeysa arintaan aan la cadeyn ilaa hada lakiin surta galnimada ku qasabtay ayaa ah mid ay la xiriirinayaan falal argagixisonimo.
xig radio muqdisho
Comments
comments