Dhalinyaro lagu dilay Wadada Dabka Muqdisho iyo Dagaal ka dhacay halkaasi.
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal kooban ayaa saaka ka dhacayu Wadada Dabka Ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi lagu dilay dhalinyaro la sheegay in ay hubaysanaayeen.
Sida warka nagu soo gaaray dagaal kooban ayaa saaka ka dhacay wadada Dabka ee Magaalada Muqdisho markii Ciidanka Ahlu sunnah iyo kuwa shabaabka ay isku dhaceen.
Dagaalka saaka dhacay ayaa waxaa ku dhintay qof rayid ah waxaana dhaawac soo gaaray laba kale markii labada koox ay rasaasta isku bilaabeen xilli uu dhexmarayay gaari shacab ah.
Dhammaan gawaarida dadweynaha ayaa waxaa loo diiday maritaanka Jidka Laamiga ah markii dagaal toos ah uu ka dhacay saaka iyadoo rasaas ay isdhaafsanayeen Labada Koox.
Dhanka kale Laba wiil oo dhalinyara ah ayaa la dilay markii Ciidanka Ahlu sunnah ay ka heleen Hub ay wateen xilli ay marayeen wadada Dabka Ee Magaalada Muqdisho.
Labada dhalinyarada ah ayaa waxa ay wateen markii la dilayay Laba Bistoolad waxaana la beegsaday xilli ay ka dageen gaari nuuca dadweynaha ah oo ay Ciidanka baaritaan ku bilaabeen gawaaridii ka horaysay.
Ma aha markii ugu horaysay ee la dilo Koox hubaysan o wadata Hubka fudud sida Bistooladaha waxaana jira in inta badan Islaamiyiinta ay u talaabaan dhanka dhulka ay Dowlada maamusho oo ay wax ku dilaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments