read more »">
Calendar

Dhalinyaro dhexda u xiratay dhibaatooyinka…

synncc

Bartamaha (Minneapolis) Kulan lagu furayo mashruuc loogu talagay in lagu wacyi galiyo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadda magaalo mataanaha ah Minneapolis/St. Paul ee gobolka Minnesota, ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Brian Coyle  taarikhdu markay ahayd 8/16/2009. Kulankan ayaa waxaa si habsami leh u soo agaasimay dhalinyaro Soomaaliyeed.

Dhalinyaradan mashruucan soo diyaariyay oo ku magac dheer Somali Youth Network Council (SYNC), ayaa haddaba sida magacooda ka muuqataba, waxay ka kooban yihiin, dhalinayaro xifrad dheer u leh la shaqaynta ciyaalka, da’yarta iyo dhalinyarada. Dhamaan dhalinyarada ururkan ku jirta ama mashruucan ka shaqaynaysa ayaa waxay si gaar ah ula shaqeeyan dhalinyarada. Goobaha ay dhalinyaradani ka shaqeeyan ayaa kala ah, ururada  bulshada u adeega, masaajidada, iskuulada, ururada ardayda iyo kuwo kale oo iyagu shaqooyin gaar ah u qabta buslhada Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota.

SYNC ayaa waxaa la aas aasay bishii afarad ee sanadkii 2008. Ururkan ayaa ah dalad isku keenta dhamaan dadka tixgalin dheerad ah siiya danaha dhalinyarada Soomaaliyeed, si toos ahna ula shaqeeya waalidka, qoysaska iyo ubadka Soomaaliyeed.

Sida la ogsoon yahayba dhibaatoyinka soo wajahay dhalinyarada Soomaaliyeed aad ayey u soo badanayaan.  Hadaba waxay dalada SYNC is tustay in ay wax ka qabato dhibaatoyinkan baaxada weyn,  iyaga oo wacyi galin, wada hadal iyo wada shaqayn tiigsanaya.

Mashruucan ay SYNC ugu talagashay bulshada Soomaaliyeed ayaa wuxuu leeyahay wajiyo fara badan oo ku kala wajahan qaybaha fara badan ee mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaa jira wacyi galin iyo macluumad gaar u ah waalidka. Waxaa kaloo jira barnaamijyo gaar u ah dhalinyarada oo kaliya.

Ugu danbayntii dhaliyaradan dhexda u xiratay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatoyinka rasmiga ah ee aadka u saameyay dhalinyarada iyo da’yarta Soomaaliyeed, ayaa waxay gacan iyo taageero ugu baahan yihiin qof kasta oo isagu kaalin ka qaysan kara mashruucan. Dhalinyarada SYNC ayaa waxay gacmo furan ku soo dhawaynayaan qof kasta oo jecel in uu fikrad ama wax qabad ka gaysto bad baadada dhaliyarada Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADII KULANKA OO DHAMAYSTIRAN

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Photo: SYNC

Comments

comments

Category : Minnesota, Wararka Maanta.
« »

Comment: