Calendar

Dhalinyarada Puntland oo ku baaqay joojinta Dagaalada ka sii socanaya Magaalada Muqdisho.

puntland logoBartamaha(Boosaaso):-Xilli ay Dagaalo Xoogan ka socdaan Koonfurta Dalka Soomaliya islamarkaana ay Dhawaan soo shaac baxday in Dawlada Maraykanku Dhinaca koonfureed ee Dalka Soomaliya uu ka bilaabi doono Dagaalo lagu baabi,inayo Kooxaha Mucaaradka ah ee Alshabab ay ka Mid tahay , ayaa Waxaa Dhalinyarada puntland Jimcihii ka soo baxay baaqyo Joojinta Arrinmahasi ku aadan.

Gudoonka Dhalinyarada Puntland islamarkaana ah Afhayeenka Gudiga olompikada Dawlada puntland C/naasir badel khalaf oo Maanta la hadlayay saxaafadda Puntland ayaa wuxuu aad uga hadlay Xaalada ka taagan Dhinaca Koonfured ee Dalka Soomaliya , gaar ahaana Dagaaladii ugu Danbeeyay ee dadka aadka u faraha badan ay ku waxyeelobeen.

gudoomiyuhu wuxuu sheegay Dagaaladasi in ay Dhaliyeen Xaalado Qalafsan oo aan dhamaad lahayn Dadkii Soomaliyeedna ku reebay Dhibaatooyin Dhinaca Caafimaadka , Nolasha iyo Amaankaba ah.

Gudoonka Dhalinyarada Puntland islamarkaana ah Afhayeenka Gudiga olompikada Dawlada puntland C/naasir badel khalaf wuxuu sidoo kale ka hadlay Dagaalada Dawlada Maraykanku ay ka dhawaajisay in ay ka bilaabi Doonto Koonfurta Dalka Soomaliya islamarkaana ay ku Ciribtirayso Ururka Alshabab oo Gacanta ku haya inta badan Gobalada Koonfureed ee Dalka Soomaliya .

wuxuuna gudoomiyihu bidhaamiyay Arrintani in ay soo kordhinayso Xaaladaha Xun ee Dhinaca Nolasha ah ee haysta Shacabka Soomaliyeed.

wuxuuna ku baaqay Arrimahaasi in Dib loo eego si aysan waxyeelo hor leh u soo gaarin Shacabka ku dhaqan goballada Dagaaladaasi loo qondeeyay.

Hadalka Gudoomiha Dhalinyarada Dawlada Puntland wuxuu ku soo aaday Xilli Dalka soomaliya ay ka jiraan Dhibaatooyin Culus oo ka dhashay Dagalada Wali ka soconaya Dalka Soomaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Somaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: