(DHAGAYSO) Dagaalladii Muqdisho oo Dib u Bilaabmay
Ciidamada Islaamiyiinta |
Muqdisho — Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa dhintay 11 kalana dhaawac ayaa soo gaaray, kadib dagaal culus oo Arbacada maanta ah ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigleey.Ciidamada AMISOM-na waxa ay dhaq-dhaqaaq ka sameeyeen Magaalada.
(VOA)Warbixinta Xasan Kaafi QoysteÂ
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Dagaalladan khasaaraha dhaliyay ayaa xoogguudu waxa uu ka dhacay xaafadaha Siinaay iyo Afarta Jardiino.Dagaalladu waxa ay u dhexeeyaan ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya oo dhicac ah iyo xag-jiriin isugu jira kooxda Al-shabab iyo tan Xisbul-Islam oo dhinaca kale ah.
Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sheegay in dhaawaca ay isugu jiraan kuwo fudud iyo qaar culus oo ay haleeleen rasaasata iyo madaafiicda la isku waydaarsanayo goobaha dagaalka.
Dagaalkan oo ku dhawaad todobaad socda ayaa waxa markii ugu horeeysay maanta dhaq-dhaqaaq sameeyay ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyaga oo gaaray xeradii hore ee ciidamada Asluubta iyo halka loo yaqaan Ex-kontrool.
Madaxwayne Shariif ayaa shalay sheegay in ay xukuumaddiisu isku filan tahay oo ayan xililgan wax garab millatari ah ugu baahnayn dibadda.Si kastaba ha ahaatee wararka ka imaanaya goobaha dagaalka ayaa sheegaya in Islaamiyiinta dagaalka kula jira xukuumadda ay qabsadeen goobo dhowr ah.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa dagaallada, khasaaraha ay gaysteen iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada AMISOM.
Comments
comments