(DHAGAYSO) Aadan Madoobe: “Bishii aan kusii hayaha ahaa ayaa Madaxweynaha Kenya noo soo gudbiyay Waraaqda is afgaradka waana ka diiday”
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay inuu jiro mooshin ay xildhibaanno ka keeneen in laga hadlo is af garad ku saabsan soohdinta badda oo ay dhowaan kala saxiixdeeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Aadan Madoobe
Is afgaradkaasi oo muran badan uu ka dhashay Soomaalida gudaheeda, ayaa waxa uu sheegay inay doonayaan inay dood ka furaan arrintaasi oo ay meel saaraan..
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiis ujeeddadiisu tahay in la sii kordhiyo soohdinta badda ee Soomaaliya, dad arrintaa ka biya diiddanina ay ku tilmaameen in heshiisku u gogol xaarayo in Soomaaliya lagala wareego qeybo ka mid ah soohdinteeda badda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Madoobe, waxaa sidoo kale uu ka hadlay xaaladdaha kale ee dalka ka taagan oo uu sheegay inay doonayaan inay ka hadlaan.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.