Calendar

Dhacdooyinkii ka dhacay Dhulkeena hooyo Nuskii hore ee 2009.

Waxaan idiin soo xulney dhacdooyinkii loogu hadalheynta badnaa lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkii 2009!

in the studio (14)

Ugu horeyn ilaahey subxaana watacaalaa ayay mahad dhamaanteed u sugnaatay Nebi Muxamedna NNKH.

Ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waxaan ugu hambalyaynayaa curashada sanadka 2010 iyadoo sidoo kalana uu isla bisha Dec gudaheeda uu Curtay sanadkii hijriga ee 1431, ilaahay waxaan ummadeena, dalkeena hooyo iyo dhaamn ummada islaamka u rajaynaynaa in dhibka iyo dhibaatada uu alaah subxaana watacaalaa ka dulqaado:   Aaamiin… Aamiin…Aamiin

Sanadkii 2009ka waxa uu ahaa sanadkii 18aad ee uu dalkeena hooyo ee soomaaliya uu dawlad la’aanta ahaa, sanadkaasi oo haatan dhamaaday ayaa waxa uu ku bilawdey rajo iyo yididiile ay qabeen dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan hase yeeshee bal aan guud mar ku samayno rajadii iyo riyadii shacbiga soomaaliyeed bal waxa ka rumoobay sanadku sida uu ku bilawdey iyo xaalada uu kusoo idlaadey.

Ugu horeyn dhinaca siyaasadda hadii aan ku hor maro dabayaaqadii sanadkii 2008 gaar ahaan bishii dec 29 ee sanadkii 2008 oo ay ku beegnayd maalin isniina waxaa xilkii Madaxtinimada ee dawladii federaaliga ahayd ee kiinya lagu soo dhisey iska casiley Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Sanadku waxa uu curtay iyadoo Sheikh Aaden Maxamed Nuur (Sheekh Aaden Madoobe) oo ah gudoomiyaha golaha baarlamaanka soomaaliya uu yahay ku simaha xilka Madaxtinimada jamhuuriyadda soomaaliya halka Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) uu ahaa kusimaha Rw Soomaaliya.

01/01/2009 ciidamadii Ethiopia ee ku sugnaa gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu amrey iney isku diyaariyaan mudo 5 casho ah si ay guud ahaanba uga baxaan Dalka soomaaliya.

01/01/2009 waxaa muuqdey rajo ay dadka soomaaliyeed ka sugayeen shirkii dib u heshiisiineed ee uu garwadeenka ka ahaa wakiilka QM ee arimaha soomaaliya Axmed Wallad Cabdala oo ka socdey Magaalada Jabuuti kaasi oo lagu wada hadalsiinayay xukuumadii Nuur cadde iyo ururkii dib u xoreynta soomaaliya garabkii Jabuuti oo uu horkacayay Sheikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya.

03/01/2009 Codeyn ka dhacdey magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi waxaa loogu doortey gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.

03/01/2009 Xulka kubadda cagta ee dalka Soomaaliya ayaa awood u sheegtay xulka wadanka Tanzania oo ay isku fara saareen koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee wakhtigaasi ka socdey wadanka Uganda.

4/1/2009 Qarax sababay geerida Askar Ethiopian-ah ayaa ka dhacay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye Qaraxaani oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso lagana hago Rimootka.

06/01/2009 QM ayaa sheegtay in xafiisyadeeda dalka Kenya ku yaalla ee ka shaqeeya arimaha soomaaliya ay u soo wareejinayso gudaha dalka Soomaaliya xili ay muqdisho ka socdaan dagaalo xoogan oo dhaxeeyay dawladda iyo kooxaha mucaaradka.

08/1/2009 C/raxmaan Max’ed Max’uud faroole ayaa ku guulaystay xilka madaxweynenimo ee maamul goboledka Puntland kadib markii uu tartan la galay 8-musharax oo uu ku jiro madaxweynihii hore gen maxamud muse xiri (cadde muuse).

13/01/2009 Dowlada Mareynka ayaa golaha ammaanka ee QM hor dhigty qaraar ay ku dalbaneeyso in la helo ciidamo caalami ah oo loo soo diro dalka Soomaaliya si ay u badelaan ciidamadii Ethiopia ee isku diyaarinayay iney soomaaliya isaga baxaan.

13/01/2009 Xaflad lagu sagootinayo ciidamada Ethiopia oo gudaha soomaaliya ku sugnaa mudo dhan 2 sano isuna diyaarinayay sidey soomaaliya uga bixi lahaayeenayaa lagu qabtay hoyga Ra’iisul wasaare Nuur Cadde uu ka degganaa Magaalada Muqdisho.

14/01/2009 wasiirkii arimaha dibedda ee China yang Jiechi oo booqasho ku tagey dalka Uganda ayaa beesha caalamka ka codsaday in si weyn ay uga qeyb qaadato xasilinta soomaaliya.

15/01/2009 Ciidamada Ethiopia ayaawaxaa ay baneeyeen xarumihii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Muqdisho oo ay labo sano ku sugnaayeen tacadi iyo dhibaatooyin badana ka geysteen.

15/01/2009 Maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo xarunta gobalka jubbada hoose gobolka J/hoose ayaa xukun taagasho ah ku fuliyay Afhayeenkii isbahaysiga Dooxada Jubba C/raxmaan Xaaji Max’ed (Waldiire) oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay kooxo diinta ka soo horjeeda.

17/01/2009 Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee magaalada muqdisho ayaa warbaahinta Magaalada xamar ku eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka soomaaliya ka jira.

17/01/2009 QM ayaa isku raacaday go’aan muujinaya in ay abuurto ciidamo nabad ilaalin ah oo loo soo diro dalka Soomaaliya Go’aankani QM ay isku raacday ayaa sidoo kale waxaa uu cusboonaysiinayaa waqtiga ciidamada midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ay ku sii joogayaan gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo loo kordhinayo Mudo lix bil ah si ay ugu soo xigsadaan ciidamo nabad ilaalin ah oo la keeno Soomaliya.

17/01/2009 Ururka Al Shabaab ayaa waxay markii ugu horaysay tan iyo markii ay baxeen ciidamada Ethiopia weerar ku qaadey fariisin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin Kuliyaddii hore ee Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

19/01/2009 Waxaa maanta xarunta puntland ee Garoowe lagu dhaariyay Wasiirada Puntland.Waxaa maanta la dhaariyay Wasiiradii uu magacaabay 17-ka bishaan madaxweynaha cusub ee Maamul goboleedka Puntland C/ramaan Max’ed Faroole kuwaasi oo uu ku magacaabay xarunta magaalada Garoowe ee dhulka Maamul goboleedka Puntland.

25/01/2009 Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay dhamaystirtay ka bixitaankeeda gudaha dalka Soomaaliya xili xarumo mihiim ah oo ay ka daganaayeen magaalada Baydhabo ay isaga guureen sidaasi waxaa xaqiijiyay Sarkaal u hadlay dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Barkaad Siimon oo wakaaladda AFP u waramayey.

25/01/2009 Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in Sheikh Shariif Sheekh Axmed uu u taaganyahay qabashada xilka madaxweynenimada Soomaaliya uuna yahay musharaxooda..

26/01/2009 Xoogaga ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku hayeenta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo horay xarun KMG ah u aheyd golihii baarlamaanka soomaaliya.

26/01/2009 Baarlamaanka dowlada kmg Soomaaliya ayaa Codka aqlabiyada ku ansixiyay in lagu biiriyo xubnaha baarlamaanka ee ka socda Mucaaradka lana gaarsiiyop 550 golaha sharci dejinta soomaaliya.

29/01/2009 Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dalbaday beesha caalamka in ay dhaqaale ku taageeraan madaxweynaha la dooranayo islamarkaana lacagaha lagu bixinayo ciidamada Midowga Afrika lagu maalgaliyo booliska soomaalida si xasiloonida dalkaasi loo sugo.

31/1/2009 Waxaa xilkii madaxtinimada soomaaliya ku guuleystay shariif sheikh axmed oo u taagnaa xxisbiga dib u xoreynta soomaaliya dad badana ay filayeen inuu guul soo hoyin doono isaga tartanka kaga gulleystay masalax maxamed siyaad oo ahaa wiil uu dhaley gaashanle sare Maxamed siyaad barre madaxweynihii dawladii kacaanka soomaaliya.

Bilawgii bisha feberaayo ee sanadka 2009 waxaa isa soo taray baaqyada iyo taageerada loo muujinayay madaxweynihii jabuuti lagu doortey mudane sheikh shariif sheikh axmed iyadoo

2/2/2009 warqad ay human rights watch u dirtey midawga afrika ay ku cambaareysay siyaasadii mareykanku uu kula dhaqmay dalka soomaaliya, iyadoo qoraalkaasi ku cadeysay in wadamo saaxib la ah mareykanka ay tacadiyo ka gaysteen gudaha dalka soomaaliya..

Madaxwayne sheikh shariif ayaa bilawgii bishii 2aad ee sanadka 2009ka waxa uu islamarkiiba Safar ku aadey magaalada addisababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kaga qeyb galayay shirkii 12aad ee madaxda afrika.

12/02/2009 shir jaraaid oo uu afhayeenka alshabaab mukhtaar rooboow ku qabtey magalada baydhabo ayuu ku sheegay ineysan wax wada hadal ah la galeynin dawlada sheikh shariif oo ay dagaalka sii wadayaan.

13/02/2009 waxaa isla magaalada jabuuti ee dalka jabuuti lagu magacaabey cumar cabdirashiid Cali sharmaarke inuu noqdo Rw dawlada uu madaxda u yahay madaxweyne shariif sheikh axmed iyadoo maalintii xigtayna cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen golihii baarlamaankii la isku darey ee soomaaliya.

13/02/2009 proff cabdi ismaaciil samatar oo ah aqoon yahan soomaaliyeed oo ku nool gobalka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa isagoo u waramayeey idaacadaha magaalada muqdisho waxa uu ku baaqay in la joojiyo ciidamada afrikaankaa ee dalka lagu wadey in la keeno, isagoona ku baaqey in wakhti loo qabto kuwii markaasi ku sugnaa.

20/02/2009 Gudoomiyaha midowga Culimada islaamka Shiikh Yuusuf Al Qardaawi ayaa qudbad uu ka jeediyay masjidka Cumar Binu Khadaab magaalada Doxa ee xarunta wadanka Qadar waxaa uu kaga codsaday dowlada Qadar iney dhexdhexaadiso kooxaha Soomaalida.

20/02/2009 waxaa guriga umadda ee magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti lagu magacaabay 36 wasiir oo hormuud u noqdey Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya iyadoo uu RW cumar cabdirashiid uu sheegay in ku xigeenadoodana maalinta xigta uu magacaabi doono.

23/02/2009 waxaa magaalada muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya soo cagadhigatey diyaarad wadey madaxweyne shariif sheikh axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, kaasi oo ay soo galbiyeen gawaarida qafilan ee ciidamada midawga afrika.

28/02/2009 waxaa magaalada muqdisho ka dhacay kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan xukumada uu hogaaminayay cumar cabdirashiid cali sharmaarke kaasi oo looga hadlayay arimaha amaanka iyo sidii loo soo celin lahaa dadkii ka barkacey maagalada muqdisho, waxaana kulankaasi fadhiyay ilaa 31 wasiir.

02/03/2009 Allaha u naxariistee Shiikh Ibraahin Max’ed Cali (Suuleey) oo ka mida ahaa culumaa’udiinka Caanka ka ahaa dalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ku geeriyoday magalada Hargeysa ee Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland.

04/03/2009 proff cabdi ismaaciil samatar oo kamid aqoonyahanada soomaaliyeed ayaa dhaliiley qaabkaa loo soo xuley xukuumadii markaasi la dhisey isagoo sheegay in si degdeg ah dalka jabuuti lagu soo magacaabey isagoo sidoo kalan ku dhaliiley qodobada ay kamid ahayd qaabkii lagu soo xuley ee 4.5.

08/03/2009 waxaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka furmey Shir Caalami ah oo looga hadlayo dambiyadii dagaalka ee ka dhacay dalka Soomaaliya kaasi oo ay soo abaabuleen hay’adaha Xaquuqda Insaanka iyo maxkamada dambiyada dagaalka ee Caalamka ee ICC waxana lagu lafo gurey qaabkii cadaalada loo horkeeni lahaa dadkii gabood falada ka geystay dalka soomaaliya iyo qaabka lagu maxakamadeyn karo.

10/03/2009 Golaha Wasiiradda xukuumada kmg Soomaaliya ayaa Ansixiyay in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka kadib kulan ay ku qaateen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.

12/03/2009 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii la isku darey ee lagu unkay dalka jabuuti, waxa uuna ka dhacay xarunta gaadiidka booliska oo si KMG ah loogu wareejiyay.

5/03/2009 Madaxweyne sheikh shariif oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Uganda ayaa khudbad waxa uu hotelka African uga jeediyay jaaliyadda soomaaliyeed eek u dhaqan magalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

19/03/2009 Golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa kulan ay isugu yimaadeen magaalada muqdisho waxaa ay xilkii kaga qaadeen taliyihii Nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya General Max’ed Warsame Darwiish, iyagoo xilkaasi u magaacabey General maxamed sheikh xasan.

20/03/2009 sheekh usama bin laden ayaa cajal uu soo direy kaga Hadley arimaha soomaaliya isagoo ku baaqey in lala diriro dawladda uu madaxda ka yahay sheikh shariif sheikh axmed waxna aysan ka duwaneyn dawladii uu hogaamin jirey cabdulaahi yuusuf axmed.

22/03/2009 Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay xaafadda Xabar Bile degmada wardiigley ee magaalada Muqdisho ku afduubteen gabar yar oo magaceeda lagu sheegay Nasteexo Cabdi ayaa waxaa ay ku hubaysnaayeen bastoolado iyagoo watay gaari nuuca raaxada ah,waxaana xiliga ay afduubanayeen ay maraysay gabadhu meel laami ah oo ku taala xaafadda Xamar Bile ee Magaalada Muqdisho.

22/03/2009 Meydadka dad gaarayeey ilaa iyo 5 ruux lana aaminsanyahay in ay dileen ciidamada Ethiopia xiligii ay ku sugnaayeen xeradii Asluubta ee Magaalada Muqdisho ayaa laga soo qufey xabaal wadreed ay ku aaseen.

23/03/2009 Rabshadado dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa waxay ka dhaceen Magaalada Boosaaso ee gobolka Barri kadib markii ciidamada Maamulka Puntland ay xireen wadaad caan ka ah gudaha Magaaladaasi oo ay xabsiga dhigeen ciidamada sirdoonka puntland ee looyaqaan PIS-ta wadadkan oo boosaaso caanka ahaa magacaabno Sheekh Cusmaan.

24/03/2009 dawladda Uganda ayaa si rasmiya u sheegtay in ciidamo dheeriya ay usoo dirtey dalka soomaaliya kuwaasi oo tirade nabad sugida midawga afrika ka dhigey 2 kun oo askari.

26/03/2009 Wasiirka arimaha gudaha dowlada kmg Soomaaliya cabduqaadir Cali cumar ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay agaagaarka hotel shaam ee Suuqa Bakaaraha waxaana qaraxaasi ku geeriyoday mid ka mid ah xogheyntiisa.

29/03/2009 Dowalada kmg Soomaaliya ayaa ku baaqaday Soon Alle Tuug ah mudo 4-maalin ah si Illaah uu uga dul qaado dhibaatada iyo Abaaraha dalkaasi saameeyay.

29/03/2009 Meyadka dad Soomaali ah oo tiradooda ay ka badneyd 10 ruux qaarkood 9-bilood ka hor geeriyooday ayaa dawlada sacuudigu ku xayirtey dalkeeda kadib markii ay ku geeriyoodeen magaalooyin kamida boqortooyada sacuudi carabiya.

30/03/2009 C/raxmaan Max’uud Jimcaale Cabdiraxmaan shifto oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa galinkii danbe lagu dilay isgoyskla debka magalada muqdishomagaalada Muqdisho.

13/04/2009 Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 20-kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray duqeymo la isku weydaarsaday xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya.

15/04/2009 Wasiirka Tacliinta iyo Hidaha sare ee dowladda KMG AUN proff ibraahin xasan cadoow ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee joogay inta u dhaxeysa isgoysyada Zoobe iyo Debka ay halkaasi u joogaan dhaca iyo barakicinta dadka rayidka ah isagoo shir jaraaid ku qabtey magaalada muqdisho.

16/04/2009 Maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubadda hoose ayaa Burburiyay ku dhawaad 100-Qabri oo ay ku aasnaayeen dad Hunuud ah.

22/04/2009 Midowga reer Yurub ayaa wadanka Soomaaliya waxaa ay u balan qaadeen lacag gaaraysa 60-milyan oo lacagta Yurowga ah taasoo u dhigantay 80-Milyan oo doolar.

23/04/2009 Deeqbixiyaasha Caalamiga ah ayaa dalka soomaliya u balanqaadey aduun dhan250-milyan oo doolar si loogu caawiyo Soomaaliya in ay xoojiso ciidamadeeda amniga la iskuna dayo in laga hortago weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, kulankaan o kadhacay magalada Brussels ee dalka Belgium.

23/04/2009 Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ah gudoomiyaha isbagaysiga dib u xoraynta ee fadhigiisu yahay dalka Eritrea ayaa saakay barqadii diyaarad gaar ah oo siday isaga iyo 7-xubnood oo ka tirsan isbahaysigiisa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Km-50 ee gobolka Sh/hoos isgoo xilikaasi kadibna soo gaaray Magaalada Muqdisho.

27/04/2009 Maxkamadd ku taala Magaalada Boosaaso ayaa maanta xukun dil ah ku riday haweenay dishay haweenay kale oo lala qabayMaxkamdda darajada Koowaad ee gobolka barri ayaa maanta Farxiyo Cali Aadan oo ku eedeysneeyd in ay shalay gabaldhicii haweenay kale ku dishay Magaalada Boosaaso waxaa ay ku riday xukun dil ah.

28/04/2009 madaxweynaha faransiiska Nicolas zarkozy iyo RW dalka Spain Luis zapatero oo ku baaqey in la qabto shir caalamiya oo lagu gorfaynayo xaalada soomaaliya.

02/05/2009 wasiiradii caafimaadka AUN qamar aden cali ayaa ku baaqaday in laga hor tago cudurada ka dhalan kara nadaafad darida iyo daawoyinka dhacay ee dalka soomaaliya loo iib geeyo.

03/05/2009 Wasiirkii amniga qaranka ee dowlada kmg ah AUN Col Cumar Xaashi Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowalada Eritrea ku eedeeyay in maalmihii ugu dambeeyay todobaadkaasi ay dalka soomaaliya soo galisay Hub lagana soo dejiyay garoonka Balidoogle ee gobolka Sh/hoose.

04/05/2009 Wasiirka warfaafinta Dowladda Eritrea Cali Cabdoow oo wax laga weeydiiyay Eedeyn ay u jeedisay dowladda KMG Soomaaliya oo aheyd in ay hub ka soo dajisay dowladda Eritrea goobaha ay kooxaha islaamiyiinta gacanta ku hayaan ayaa sheegay ineysan aqoonsaneyn dawlad ka jirta dalka soomaaliya.

06/05/2009 Waxaa maanta magaalada Muqdisho uga furmay kulan soconaya mudo 6-maalin ah Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Shirkan hay’da culimada Soomaaliyeed oo socon doona ilaa 11-ka bishan ayna ka qeyb galayaan culimo ka kala timid dibada iyo gudaha dalka ayaa maanta waxa uu ka furmay hotelka Guuleed ee magaalada Muqdisho.

08/05/2009 Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in ay jiraan dad ay nabaddu dhibayso islamarkaana dagaalo ka hurinaya gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya.

10/05/2009 Muwaadiin Soomaaliyeed ayaa xaley lagu diley Tuulada Stellenbosch oo ka tirsan Cape Town ee dalka K/Afrika Yuusuf Maxmed isagoo hal bil oo kaliya ku sugnaa dalka koonfur afrika sanadna ku xirnaa dalka Tanzania.

13/05/2009 Deeq ka timid qaar ka mid ah jaaliyada Somaaliyeed ee ku nool mid kamida dalalka reer yurub oo ah dalka Norway ayaa soo gaartay dadka ku tabaaleysan deegaanka Xaawo Cabdi.

13/05/2009 Dagaalo aad u culus una dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa waxaa ay mar kale ka dhaceen Xaafadda Siinaay ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

13/05/2009 bayaan uu soo saarey Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagucambaareeyay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya iyo waxyeelada ka dhalatay ee ah in boqolaal ruux oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen islamarkaana kumanaan kale ay guryahoodii ka barakaceen.

14/05/2009 ku dhawaad 15-qofood ayaa ku geeriyooday shil dooni oo ka dhacay Xeebaha gobolka J/hoose ee ay magalada kismaayo xarunta u tahay.

16/05/2009 Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Maxaas iyo deegaanka Wabxo ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud halkaasi oo ay dhawaan kula dagaalameen ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna waljameeca.

16/05/2009 QM ayaa sheegtay in baaritaano lagu sameynayo eedeymaha ku aadan in Eritrea ay hubeyneyso Mucaaradka Soomaaliya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baaritaano lagu sameeyo arrinta ku saabsan in dowlada Eritrea ay taagero dhinaca military-ga ah ay siiso kooxaha ka hor jeedo dowlada KMG Soomaaliya.

17/05/2009 Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo watta gaadiid dagaal ayaa habeenimadiiu galay dowladda KMG Soomaaliya isagoo isaga baxay ururka mucaardka ah ee xisbul islaam.

17/05/2009 Ururka Al shabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada inta ay ka burbureeyso dowladda isla markaana ay baxayaan ciidamada AMISOM Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada maalmihii u dambeeya ka dhacay gobolada Hiiraan,Galgaduud iyo Banaadir.

17/05/2009 Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Hawiye ayey ku baaqeen in la joojiyo dagaalo ay sheegeen in ay hurinayaan dad ajaanib ah kulankaani oo ahaa mid balaaran oo saacado badan qaatay ayaa waxaa maanta hoteelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho ku yeeshay mudanayaasha Barlamanka ee ku abtirsada Beesha Hawiye.

17/05/2009 Dowlada kmg ayaa maanta Shahaadooyin siisay in ka badan 50-sarkaal oo tababar uu u soo idlaaday Munasibadani galabta ka dhacday dugisga Tababarka Ciidanka Booliiska ee School Boolisya ayaa waxaa tababar loogu soo xiray illaa iyo 51-sarkaal oo dhawaan ka yimid dalka dibadiisa isla markaana wax barasho ku soo kala qaatay wadamo ay ka mid yihiin Uganda,Sudan iyo Wadanka Ethiopia.

20/05/2009 Wadamada ku bohoobay Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay jimciyadda quramaha ka dhaxeysa in ay cuna qabateyn saaraan goobo ka mid ah Soomaaliya islamarkaana la xanibo dekado ka mid ah dekadaha ay isticmaalaan xoogaga Islaamiyiinta kuwaasi oo ay sheegeen in looga hortagyo hub ay ka helaan wadamo banaanka ah Soomaaliya iyadoo wadanka Eritrea ay farta ku godeen.

20/05/2009 Waxaa Maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe looga dhawaaqay maamul islaami ah oo hoos taga ururka Al shabaab oo dhawan la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi.

23/05/2009 Dagaalo Cuslus oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo Al Shabaab ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

24/05/2009 aba qofood oo Muwaadiniin Soomaali ah ayaa Xaley goobtooda ganacsi ku gubtey xilli ay dhex hurdayeen goobtooda ganacsi Labadaani qofood oo ahaa dhalinyaro Dukaan ganacsi ku lahaa Tuulada Dallin oo 130-km u jirta Magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika ayaa waxa ay ku nafwayeen isla goobtaasi iyadoo lafahooda kaliya la heley.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in Baziin la qabadsiyey dukaanka ay ku jireen ganacsatadaasi kadibna Taraq lagu gubey,waxaana dhalinyarada halkaasi ku geeriyooday lagu kala magacaabayay Xuseen Axmed iyo Cumar Yuusuf Caraale.

25/05/2009 Waaxda Hor marinta iyo gar gaarka ee wasaaradda arimaha dibadda dowladda Talyaaniga ayaa u soo dirtay Soomaaliya duulimaad siday 23-tan oo sahay Caafimaad ah Wasiirka arimaha dibadda ee talyaaniga Franco Frattini ayaa sheegay in iyadoo laga jawaabayo codsi ka yimid Ra’iisul wasaraha dowladda kMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ay wasaaradda arimaha dibaddu u dirtay Soomaaliya qalab Caafimaad oo ay ka mid yihiin qalabka Qaliinka,sariiro iyo Alaabo kale oo si deg deg ah.

25/05/2009 Wakiilka Xogahaya guud ee QM ee arimaha Soomaaliya u qaabisan Axmed Walad Cabadala ayaa waxaa uu maanta safar qarsoodi ah oo aan horay loo shaacin ku yimid isagoo kulamo la qaatay Madaxda dowalada kmg SoomaaliyaSida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta dowlada kmg Soomaaliya Farxaan Cali Max’uud Waxaa maanta Safar Qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho Wakiilka Xogahaya guud ee QM Axmed Walad Cabadala.

25/05/2009 Madaxwene Shiikh Shariif ayaa dalbaday in dalka Soomaaliya laga difaaco Cadaw uu sheegay in ay dalka Soomaaliya ku soo duuleen Kadib shir jaraa’id oo uu maanta Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Shiikh Shariif ku qabtay xarunta Madxtooyada ee Vila Somalia ayaa waxaa uu beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

26/05/2009 Golaha Ammaanka ee QM ayaa waqtiga waxaa ay u kordhiyeen Ciidamada Midowga Africa ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya kadib kulan xasaasi ah oo xalay ugu soo gaba gaboobay Magaalada New Yorka ee dalka Maraykanka Kulankaani ay golaha Ammaanka QM ku yeesheen Magaalada New Yorka ee dalka Maraykanka ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo sidii QM ay u garab is taagi laheeyd dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

26/05/2009 kudhawaad 10-qofood ayaa ku dhimatay kadib markii galabta Madaafiic lagu weeraray Agagaarka Tiyaatarkii hore iyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo la sheegay in ay ku geeriyoodeen dad rayid ah iyo askar ka tirsan Ciidamada dowladdaLabo Madfac oo ku habsatay Agagaarka Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay 7-ruux oo rayid ah inkastoo wararka qaar ay sheegaaan in ay ku jiraan Askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ku sugana.

27/05/2009 Xarakada Mujaahidiinta ee Al Shabaab ayaa go’aankii waqtiga loogu kordhiyay Ciidamada AMISOM sii joogidooda Soomaaliya ku tilmaamay Cadaawad loo kordhiyay Dadka Muslimiinta ah iyagoo saxaafadda ku tilmaamay kuwa iibsan oo aan runta sheegi Karin.

28/05/2009 Maamulka Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ugu baaqay shirkadaha ganacsiga in ay gacan ka geystaan dhameystirka dhismaha Masjidkaasi oo burbur iyo dayac badan uu soo gaarey intii ay socdeen dagaaladii sokeeye ee soomaaliya.

30/05/2009 Dowlada KMG Soomaaliya ayaa Maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ay sheegeen in ay u afduubnaayeen Xarakatul shabaab Mujaahidiin Sida uu saxaafada u sheegay maanta taliyaha ciidamada booliiska dowlada kmg General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid illaa 11-dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo afduubay gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer iyo deegaanka Golweyn ayaa ciidamada dowalada waxaa ay ku qabteen Ex Contarol Afgooye.

30/05/2009 Golaha aqoonyahanada K/Soomaaliya ayaa dhaleeceyn u soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabadalla waxaana ay ugu baaqeen in uu is casilo kadib shir jaraa’id oo ay magalada baydhabo ku qabteen.

31/05/2009 Shirkada Xawaalada Dahabshiil ayaa maanta deeqo kala duwan gaarsiiyay dad ku dhow 2000-oo qoys oo ku barakacay deegaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye deeqdan oo isugu jirtey galeey iyo saliid.

1/06/2009 Kaluumaysato ka shaqeysa xeebyha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMSIOM xabadda ka dhacda qoriga loo yaqaan Baasuukaha ay ku dhifteen dooni kaluumaysi oo ay wateen.

1/06/2009 Dowladda Ethiopia oo wadanka Nigeria ka codsatay in ay ku soo biirto howlaha nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya.

02/06/2009 Wasiirka Amniga dowladda Kmg ah ee soomaaliya AUN cumar xaashi aaden iyo masuuliyiin la socda oo Baladweyne Gaaray halka Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee beledwayne ay adkeeyeen Bandow saarnaa magaaladaasi.
03/06/2009 Kaaliyaha Xoghayaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa Karl Wychoff ayaa ugu baaqay dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda hanaanka dowladda KMG Soomaaliya in ay qaataan dadaalada wadahadala si xal rasmiya looga gaaro arimaha Soomaaliya.

06/06/2009 Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in ay buux dhaafeen xeryaha qaxootiga Soomaaliya ee Kenya xili ay sii kordhayaan dagaalada ka socda qeybo ka mid ah dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya.

11/06/2009 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay diblomaasi u qaabilsan Dowladda Soomaaliya dalka Talyaaniga iyo Safiirka u fadhiya Magaalada Roma, kadib kulan dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga.

12/06/2009 Iska Horimaad Socday Mudo Koobaan islamarkaana Dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa maxkamadaha Islaamiga iyo Kooxo deegaanka waxaa uu ku dexmaray Degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe.

13/06/2009 Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee soo gaaray degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud oo kulamo gar gaar ah la qatay Odaaysha dhaqanka ee degmadaasi.

14/06/2009 Roobaba saamayn ku yeeshay dadka iyo Doonyada oo saacadihii la soo dhaafay Harqiyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.

14/06/2009 Banaanbax looga cabanyo gar gaar la’aan soo wajahay Barkacayaasha oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

16/06/2009 Dagaal kulul oo u dhaxeeya Askarta dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Galgalato iyo degmada Kaaraan.

16/06/2009 Ururka Midowga Africa ayaa ku dhawaad 10-bilood oo dheeri ah ugu daray waqtiga ay sii joogayaan ciidamada Midowga Africa gudaha wadanka Soomaaliya.

18/06/2009 Qarax ismiidaamin ah oo ay ku geeriyoodeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayna kamid ahaayen cumar xaashi aaden wasiirkii amniga qaranka cabdikariin faarax laqanya ayna ku geeriyoodeen dad ku dhaw 20 ruux ayaa lala eegtay hotel madiina oo ku yaalla galbeedka magalada beledweyne ee gobalka hiiraan.

18/06/2009 Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin sheekh Cali Max’uud Raage oo Qadka taleefanka Shir jaraa’id ku qabtay kadib qaraxii ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay shabaabku fuliyeen loogan gol lahaa in lagu khaarajiyo dad uu sheegay iney u adeegayeen cadwga alle waa sida hadalka uu u dhigaye.

18/06/2009 Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaraxii lagu dilay wasiirka Amniga Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxo uu ku sheegay in ay yihiin Al Qaacida.

19/06/2009 Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay beesha caalamku in ay si deg deg ah u soo fara galiso arimaha Soomaaliya kadib qarixii beledweyne ka dhacay oo dawladda dhaawac culus loogu geystay.

19/06/2009 Wasiirka arimaha dibadda ee wadanka Kenya Moses Wetangula ayaa kulan ku saabsan xiisadaha dalka Soomaaliya oo magaalada Nayroobi uu kula yeeshay wakiilo ka socda Ethiopia iyo Midowga Reer Yurub waxaa uu sheegay in Kenya ay fara galin ku samaynayo xasradaha dalka Soomaaliya.

19/06/2009 Hay’adda Jimciyadda Quramaha ka dhaxeysa u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa sheegtay in kudhawaad 20-ruux oo soomaaliya ay geeriyoodeen in ka badan 29-kalena la la’yahay kadib markii dooni ay wateen ay ku qalibantay gacanka cadmeed.

20/06/2009 Shir deg deg ah wasiirada Xukuumadda dowladda KMG Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo looga hadlayay xaaladdii uu marayay dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu gaarey go’aano dhowr ah oo ay ka mid ahayd in dalka la galiyo Xaalad deg deg ah.

22/06/2009 Ra’iisul wasaaraha wadanka Kenya Raila Oding ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay tixgaliyaan dalabka dowladda KMG ee ah in ciidamo loo doiro dalka soomaaliya kadib shir ay si wada jira ugu qabteen magaalada Nairobi isaga iyo dhigiisa soomaliya cumar cabdirashiid cali sharmaarke.

22/06/2009 Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wadanka la galinayo Xaalad deg deg ah isagoona sheegay in uu saxiixay go’aankii ay dhawaan u soo gudbiyeen golaha wasiirada Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee uu dalka marayo iyo dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha Magaalada Muqdisho.

25/03/2009 Cumar Max’ed Xabeeb oo ka mid ahaa Darawalada Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ee Amin Voluantry ayaa kooxo hubaysan waxaa ay ku dileen Xaafadda Jiiro Wacbuudhan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

25/03/2009 Duqeymo Xoogan oo sababay dhaawac dad rayid ah ayaa ka dhacay gudaha iyo Hareeraha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dagaaladu ay naafeeyeen.

26/06/2009 Dibadbaxyo waa weyn ayaa waxaa ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo lagu xusayay 26-ka june oo ku beegan maalintii ugu horeysay ee la taagay Calanka Soomaaliyeed.

26/06/2009 afhayeen lagu magacabo Eyan Keyl una Hadley Dowladda Maraykanka ayaa Walaac ka muujisay Dagaalada ka sii socda Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xogaga hubaysan ee ka so horjeeda.

28/06/2009 Nin horay Falal Kufsi iyo dil ugu geystay Gabar ka soo jeeda Deegaanka Yaaqbari weyne degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa lagu Rajmiyay oo dhagax lagu dilay Gudaha degmada Wanlaweyn.

28/06/2009 Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose ayaa waxaa uu wacad ku maray in dowladda KMG Soomaaliya ay kala wareegayaan hub dhawaan dowladda Maraykanka ay xukuumadda soomaaliya ugu deeqday.

29/06/2009 Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa badelay gudoomiyihii Maamulka Islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool iyadoo loo magacaabay gudoomiye cusub Kadib kulan ay maanta gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka bay ay ku yeesheen.

29/06/2009 Barlamanka Maamul gobobleedka Puntland ayaa ansixiyay dastuur cusub oo uu dalku yeesho kaasi oo ogolaanaya hanaanka xisbiyada bdan shacbiguna ay soo dooraan golayaasha dawladda.

30/06/2009 Dagaallo goos goos goos ah una dhaxeeya dawladda iyo kooxaha mucaardka ayaa waxay ka dhaceen degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

30/06/2009 gudoomiyaha baarlamaanka puntland ayaa sheegay iney u caal waayeen wax ka qabashada kooxaha tahriibta isagoo u waramayey idaacada shabelle ee magaalada muqdisho.

Sources: kaydka wararka RBC, Bartamaha ,  Radio shabelle Muqdisho, Kenya newspapers (The Daily Nation and The Standard), Reuters, Associated Press, AFP, Xinhua.

Diyaarintii Cabdiqafaar Axmed Shire (Mr Gurxan)
[email protected].

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: