Dhacda la yaab leh:Nin Xalay Toorey ku gowracay Haweenay uu xilli qabay balse Uur nin kale u lahayd Degmada Wadajir Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Nin xalay gowracay Haweenay uu xilli u dhaxay balse waayahan uu ku maqnaa dalka dibadiisa sidee wax u dheceen??!!.
Sida uu www.Bartamaha.Com u sheegay wiil ay wada dhasheen Haweenayda Xalay la gowracay waxaa fiidnimadii Xalay Mindi lagu gowracay Haweenaydan oo magaceeda uu ku sheegay Xaawa Cali.
Haweenayda ayaa waxaa xilli qabay ninka xalay gowracay oo dhawaanahan ku maqnaa dalka Kenya .
Ninka ayaa dhawaanahan baadi goob ugu jiray gabdhan sida loo sheegay isagoo arkay Haweenayda oo Uur 8-bil ah u lahayd nin kale taasi oo kentay in uu gowraco.
Haweenayda ayaa waxaa la sheegay in lagu gowracay Mindi oo qoorta looga jaray markii uu guriga ugu galay Haweenaydaasi oo xilli hore ninka dilka geystay u dhashay 4-caruur ah.
Dhacdadan oo la yaab ku noqotay Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saxaafada sidoo kale u sheegay gudoomiyaha Degmada Wadajir Muqdisho oo balan ku qaaday in ay soo qaban doonaan.
Ninka dilka geystay ayaa waxa uu sheegay wiilka www.Bartamaha.Com la hadlayay in uu ka warqabay furiinka Walaashiis balse aanu garan sababta uu dilka u geystay ninkan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments