Degdeg: Alshabaab oo sheegatay qaraxii ka dhacay magaalada Addisababa
Al-Shabaab ayaa war ay soo dhigeen Barta Twiterka waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux.
Al-Shabaab ayaa waxa ay warka ay soo dhigeen Twiterka ku sheegeen in ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen qaraxaasi iyagoo sidoo kalana ku hanjabat weeraro dheeraad ah inay ku qaadi doonaan Itoobiya.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Bole ee Magaalada Addis ababa ee Soomaalidu ku badantahay maalintii Shalay ahayd.
Dhanka kale dowlada Ethiopia ayaa waxa ay horay u sheegtay in Qaraxa uu ka dhacay guri kuyaalla Xaafada Bole ee Magaalada Addis Ababa ayna ku dhinteen dad aanana weli haybtooda la aqoon, ayna wadaan Baaritaano la xariira ciddii ka dambeysay Qaraxasi .
Al-Shabaab ayaa waxa ay horay ugu hanjabeen in ay Weearo ka gaysan doonaan Wadamada ay Ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, iyadoo Qaraxa Addis Ababa ka dhacay uu ku soo beegmayo xili dhawaan Xarakada Al-Shabaab ay sheegteen Masuuliyada Weerarkii Westgate ay dadka faraha badan ku dhinteen.
Comments
comments