Calendar

Deg Deg:Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed.Dheere) oo xabsiga laga sii daayay

M_dhereMugadisho/Bartamaha:Warar goor dhaw naga soo gaaray  Maxkamada gobolka  Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaaa tibaaxaya in Xabsiga laga sii daayay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere lagu waayay wax danbi ah sidaana maanta looga saaray Xasbsigii uu ku jiray iyadoona xoriyadiisa dib loo siiyay Barqanimadii Maanta.

Kadib Markii uu helay Xoriyadiisa Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo Xabsiga ku jiray ku dhawaad 50-Maalin ayaa Saxaafadda la hadlay isagoo u sheegay inuu haatan ku faraxsanyahay inuu dib u helo xoriyadiisa isalmarkaan  Danbigii lagu xiray markii hore lagyu waayay.

Xaashi Cilmi Nuur oo ah Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir aya Warbaahinada u sheegay inuusan wax danbi ah lahayn Max;ed Dheere waxuuna qiray in si sharci darro ah lo xiray Gudoomiyahii hore E Gobola benaadir kadib markii danbi lagu soo oogay.

“Maanta ayaa Xabsiga ka saaranya  Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere, dabcan wax danbi ah ma uusan laheyn waxuu xabsiga ugu jiray si Sharci darro ah” ayyuu Saxaafad u sheegay Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Ugu danabyntii Max’ed Dheere ayaa Dowladda u xirnaa ku dhawad Muddoo Labo bil ah iyadoo haatan Qareenada Gdoomiyahii hore Ee Gobolka Banadird Max’ed Dheere ku doodeen in loosiiyo Magdhaw Lacago badan.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: