Calendar

Xafiiska Bartamaha Muqdisho oo Deeq Lacageed oo la soo mariyay gaarsiiyay Hooyo 4-wiil Madfac ka naafeeyay(Daawo Sawirada).

146Bartamaha(Muqdisho):-Qaar ka mida Gabdhaha Soomaaliyeed ee Dalka Holand ayaa Deeq Lacageed ku so hagaajiyay Xafiiska Bartamaha Muqdisho.

Deeqdan Lacageed oo gaaraysay 180-$ oo ay isku soo dareen Gabdho dagan Magaalo ka mida Wadanka Holand ayaa waxa ay soo gaartay Xafiiska Bartamaha Muqdisho waxaa si toos ah lacagtaasi u gaarsiiyay Qoyskaasi Wariye C/Risaaq Yuusuf Cabdalla Kambaala.

Fa’isa Maxamed Saalax oo ay soo wakiisheen Gabdhaha Holand qaarkood ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay gacan siiyaan walaashooda dhiban ee korinaysa 4-Caruur ah oo Madfac uu naafeeyay.

Fa’isa ayaa waxa ay sheegtay in www.Bartamaha.Com ay ku aragtay muuqaalka Farxiyo Maxamed Cumar iyo Caruurteeda sidaasina ay u go’aansadeen in ay deeq u soo dhiibaan.

Horay waxaa Deeq nuucaani oo kala ah u gaarsiiyay Gabdhaasi haysata Afarta Wiil ee Madfaca uu Naafeeyay qaar ka mida dhalinyarada ku dhaqan Maraykanka.

Yaasin Carif ayaa kaligiis waxa uu u soo diray qoyska dhibanayaasha ah lacag dhan 100$

C/Kaafi Shire 50-$

Yaasmin Axmed-50$

Dadkaasi ayaa waxa ay ugu baaqeen Walaalaha Soomaaliyeed ee kale in ay gacan siiyaan Gabadha dhibaataysan oo haysata 4-Wiil oo uu Madfac kula dhacay Muqdisho sida www.Bartamaha.Com horay loogu soo bandhigay.

Wakiilka Warbaahinta Bartamaha Muqdisho C/Risaaq Kampala ayaa sheegay in qoyskaasi ay ku suganyihiin meel ka baxsan Magaalada Muqdisho islamarkaana socdaal dheer uu u galay gaarsiinta Sadaqada ka soo go’day Walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Dibadiisa.

Hadaba qof kasta oo arkaa Muuqaalka Caruurtaan ama wax u tari kara Fadlan cagantaada ka haarto Walaashaada Muslimada ah ee haysata Caruurta dhibanayaasha ah.

Waxaad kala xiriiri kartaa Qoyskan dhibanayaasha ah:-

Telphonada kala ah:-

25250-462001 ama 25261-5173309 oo laga helo Wariye:- C/risaaq Yuusuf Cabdalla.

Daawo Sawirada Deeqda Lacageed:-

10

1 

 42

 6

8

 

 

 

9

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

12

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wadada loo maro Xerada Barakacayaasha Qabuuraha Barakaad Duleedka Muqdisho.

15

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

11

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

14

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: