Deeq Lacageed Oo Ka Timid Jaaliyadda Haweenka SSC Ee Switzerland Oo Soo Gaadhay Laascanood
Deeq Lacag gar-gaar ah oo loogu talagalay dadka ku abaaroobay deegaanadda SSC ayaa lasoo gaadhsiiyay magaalooyinka laascaanood iyo Buuhoodle.
Deeqdan lacageed ayaa waxaa soo gaadhsiiyay hablaha reer SSC ee wadanka Switzerland, iyaga oo ugu talagalay dadka ugu jilicsan ee ku nool deegaanaddan.
Deeqdan lacageed ayaa hablaha Reer SSC ee Switzerland waxay ku soo hagaajiyeen xafiisyadda Jamciyadda Salaama ee Laascaanood Iyo Buuhoodle, waxaana la filayaa sida ugu dhaqsaha badan in lagu gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.
Shiikh Axmed Maxamed Suleymaan oo ah gudoomiyaha gudiga taakuleynta ayaa u mahadceliyay hablaha Jaaliyadda Swisserland ee deeqda lacageed soo gaadhsiiyay xafiiska taakuleynta ee Laascaanood iyo Buuhoodle. wuxuuna ugu baaqay jaaliyadaha kale sidaas oo kale inay ugu soo gurmadaan.
Inta badan deegaanaddan waxaa ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan, inkastoo roob aan badnayn uu ka da’ay deegaanadda qaarkood.
Gudi ka kooban culimadda deegaanadan ayaa horey u soo saaray baaq qaylo dhaan ah, iyaga oo ugu baaqay bulshadda SSC iyo tan Soomaaliyeed inta wax awoodi kartaa inay Account-tiyadan u soo dhigaan wixii ay helaan..
Account no ee Amal bank : 00613-04-4791901.
Shirkada Telsom: Zaad 4918860
Merchant 403916
Shirkada Golis: Sahal 507862
Merchant 402633
Comments
comments