Calendar

Deegaanka Warxoolo oo dagan ka dib dagaal maanta dhexmaray Alshabaab iyo Ahlu Sunnah.

maleeshiyoBartamaha(Warxoolo):-Deegaanka Warxoolo Ee Gobolka Gal-gaduud ayaa dagan ka dib dagaal xoogan oo dhexmaray Kooxaha Alshabaab iyo Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Dagaalka ayaa waxa uu saaka noqday mid dib u bilowday markii shalay galabtii halkaasi ay isku qabteen labada Koox Ciidamadooda oo dagaal ba’an uu ku dhexmaray Wraxoolo oo Ceel Buur ku dhow.

Galabta ayaa xaalada iskeed u noqotay mid dagan iyadoo labada maleeshiyo ay weli isku horfadhiyaan Deegaanka Warxoolo Ee Gobolka Galgaduud oo ah halka dagaalka ay ku galeen labada dhinac.

Lama yaqaan xaalada halka ay ku danbayn doonto iyadoo afhayeen Ahlu sunnah u hadlay uu sheegay in ay dagaalka sii wadayaan illaa ay ka qabsadaan Deegaanada ay ku harsanyihiin Ciidamada Alshabaab.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: