Calendar

Dawladda hoose ee Boosaaso iyo burburinta wadooyinka.

boosaaso12Boosaaso (Bartamaha)- Dawladda hoose ee magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa maanta bilawday burburinta dhismooyinka sharci darada ee ka dhisan dhabayaasha waaweyn ee magaaladaasi.

Dukaamo, makhaayadaha lagu cunteeyo, sandaqadaha yaryar iyo waliba kabadara lagu iibiyo qaadka ayaa kamid ahaa goobihii ay maanta burburisay dawladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Wadooyinka dhismaha maanta laga burburiyay ayaa waxaa kamid ahaa sadexda waddo ee halbowlaha u ah magaalada Boosaaso kuwaasi oo laf dhabar u ah isticmaalka dadweynaha iyo gaadiidka.

Waddooyinkan ay dawladda hoose maanta hawlgalada ka fullisay ayaa waxay kala yihiin oo ku kala beeggan xarunt madaxtooyada, suuqa qweyn ee boosaasoo iyo dhabaha garoonka diyaaradaha ee Bander Qaasin.

Hawl galkani ayaa saraakiishii dawladda hoose waxaa ku gacan siiyay ciidamada booliska kuwaasi oo xabsiga u taxaabay dad iyagu ka dhego adeygay.

Hawlgalkan ayaa waxay Dowladda hoose ee magaalaad Boosaaso ku micneysay tilaabo lagu doonayo dhawritaanka bilicda magaalada uu ka socdo ganacsiga ugu ballaaran magaalooyinka maamulka Puntland, iyadoo aysan dadka deegaankuna fileynin in maanta dhismayaashooda la burburiyo maada kal hore ay ahayd markii ay ka dhego adaygeen wakhtigii loo qabtay iney isaga guuraan goobaha ay ku lahaayeen dhismayaasha sharci darada ah.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo dawladda hoose ee magaalada Boosaaso ay ay gudo gashay burburinta dhismayaasha sida sharci darada ah loogu gacansanayay ayaysan haddana muuqan goobo ay dawladdy u diyaarisay iney dajiso dadka ay goobahaasi ka raraeyso.

Bilahaan dambe waxaa isas soo tarayay tilaabooyin ay dawladda hoose ee magaalada Boosaaso ku doonayso iney sare ugu qaado bilicda magaalada inkastoo ay soo baxayaan caqabada badan oo ku hor gudban hawlgaladaasi.

Bartamaha.

Xafiiska Nairobi.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: