Calendar

Dawlada Turkiga oo sheegtay inaysan waxba iska badalayn siyaasadeeda arrimaha dibada ee ku aadan Soomaaliya

davut_1Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa shaaciyay inaysan waxba iska badali doonin siyaasadda arrimaha dibada ee ku aadan Soomaaliya kadib markii la weeraray safaarada Turkigu uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Ahmet Davutoglu oo soo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii Turkigi oo lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla Ankara ayaa sheegay in dawlada Turkigu aysan joojin doonin mashaariicda ballaaran ee ay ka hirgalinayso Soomaaliya kuwaasoo lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed.

“Ma joojin doono mashaariicdii socotay labadii sano ee lasoo dhaafay, waana kuwo lagu taageerayo shacabka” ayuu yiri Ahmet Davutoglu .

Kooxda Alshabaab ee iyadu inta badan gaysata weerarada lagu wiiqayo ammaanka Soomaaliya ayaa sheegatay inay ka dambaysay weerar lagu qaaday safaarada Turkiga oo lagu dilay hal askari saddex kale oo muwaadiniin Turkish ahna lagu dhaawacay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: