Dawlada Soomaaliya oo ka codsatay shacabka inay kala shaqeeyaan amniga dalka
Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay shacabka iyo warbaahinta Soomaaliyeed iney kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka,wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Jaamac Axmed Maxamed oo warbaahinta Muqdisho kula hadlayey ayaa ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta iney wasaaradda kala shaqeeyaan soo celinta amniga dalka.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in sababaha ugu horeeya ee keenay in waxqabadka wasaaraddu ay gaabis noqdaan ay ka mid tahay wada shaqayntii ay shacabka uga baahnaayeen oo sida uu sheegay ay ka waayeen,wuxuuna tilmaamay in dadaal walba oo masuuliyiinta wasaaraddu ay sameeyaan inuusan miro dhal noqoneyn hadii aysan helin taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Comments
comments