Dawlada Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u saartay sababta dhalisay burburkii diyaarada
Dawlada Soomaaliya ayaa shaacisay in guddi ay u saartay inay soo baaraan sababaha keenay cillad farsamo oo ku timid diyaarad ku burburtay garoonka Aadan Cadde.
Waxayna dawladu sheegtay in dhacdadaas oo ah mid naxdin leh in loo saaray gudi heer qaran oo warbixin kasoo diyaariya sababaha dhaliyay burburka diyaarada.
Waxaana gudigan sidoo kale xubno ku yeelan doona shirkada SKA ee maamusha ayraboorka iyo ciidamada AMISOM oo uu qalab militari u saarnaa diyaaradii burburtay.
XUBNAHA GUDIGA
1) Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye
(2) Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin
(3) Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin
(4) Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin
(5) Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin
(6) AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)
(7) SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)
Comments
comments