Dawlada Soomaaliya oo beenisay in la weeraray madaxweyne Xassan Sheekh
Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo lahadlay Wakaaladda Wararka ee AfP ayaa sheegay in Dagaalyahanno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gubeen Gawaari ay wateen Ilaalada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmuud.
Afhayeenka dhanka Howlgallada ee Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa intaasi ku daray in mudo Saacada ah uu dagaalku socday ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen Ciidamadii Weerarku qabsaday ee Madaxweynaha Soomaaliya Galbinayay.
Dawlada Soomaaliya ayaa beenisay sheegashada Alshabaab, waxaana ay sheegtay in madaxweynuhu uu si nabad ah ku tagay magaalada Marka oo uu doonayay inuu kaga qaybgalo shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayay qabaa’il deegaanadaas ku dirirsanaa.
Comments
comments
Category : Featured.